arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Midabka Labiska Aad Xirato oo Kaalin Muhiim ah Ka Ciyaara Mustaqbalkaaga

Midambadu waxay saameyn ku yeeshaan dadka siyaabo kala duwan, midabka aad wadato waxa uu dirayaa farriimo kala duwan oo iskugu jira kuwo togan iyo taban intaba. ku darso muhiimadda gaarka ah oo uu u leeyahay deegaankaaga shaqada.

Cilmibaarisyo farabadan oo dhanka cilmi-nafsiga ah ayaa sheegaya in midabadu ay caadifadda qofka iyo hab-dhaqankiisa ay saameyn ku yeeshaan. Daraasadaha qaar ayaana sheegaya in deegaanka iyo dhaqanka ka jiraa ay suurtogal tahay iney naga hor istaagaan tallaabooyin dhanka labiska ah oo dhinaca mihnaddo shaqo ku haboonaa.

Guud ahaan midabadda casaanka ah iyo kuwa ka agdhaw waxaa loo yaqaanna midabadda diirran, halka midabada cagaarka iyo buulagana loo yaqaanno midabbo daggan ama midabada taban.

Culumada cilmi-nafsiga ayaa iyaguna waxay aaminsan yihiin in midabada casaanka iyo buluuggu ay hagaajiyaan howlaha maskaxda iyo iney kaftanka ogoleysiiyaan qofka, waxaana sidaa lagu sheegay cilmibaaris la sameeyay sanadkii 2009 oo jaraa’idka Science ay sameysay.

Cilmibaaristaasi waxa kale oo lagu ogaaday in midabka casaanka ah uu kor u qaado kuna dhiirigeliyo qofka inuu wax kasta si mug hoose ah u ogaado oo uu u baaro, halka midabka buluuguna uu qofka ku kaalmeeyo inuu si wanaagsan oo akhlaaqi ku jirto u fakaro, iyadoo kolba xirashada midabka ay ku xiran tahay xaaladda qofka uu ku sugan yahay.

Daraasad ay sameysa jaamacadda Princeton ayaa hoosta laga xarriiqay in marka aan weji cusub aragno, maskaxdeennu ay go’aan ka gaareyso haddii qofku uu yahay mid soo jiidasho leh ama lagu kalsoonaan karo iyo in kale, iyadoo taa ay ku qaadaneyso wax hal ilbiriqsi ka yar, sidaa darteed midabka aan xulaneyno dhanka labiska waxay saameyn weyn ku yeeshaan sida ay dadka kale noo arkayaan aragtida koowaad, waana sida ay Sweeney qabto oo ka mid dadkii daraasadda wax ka sameeyay.

Sweeney waxay leedahay: “Waxa aad xirato waxa uu saameyn ku yeeshaa dareenkaaga, dhismaha kalsoonidaadana uu ka qeybqaataa, waxaana mar kasta habboon inaad dadka kale ka labis qurxoonaato”. Waxay tilmaamayesaa in kala doorashada midabka uu kaalin muhiim ah ka ciyaaro muuqaalka guud oo laga maarmaan ay tahay inaad u muuqato qof caqli badan, waxaa lagama maarmaan ah inaad kabahaaga baalash ku sameyso inta aadan shaqda tagin, gaar ahaan marka aad ka qeybgalayso imtixaanka shaqo doonka ee interview-ga ah.

Ugu dambeyn, Codka midabka dharka aad xiran tahay ayaa ah kan shakhsiyadaada, kaalintaada shirkadda aad ka shaqeysana sheegaysa, sidaa darteed marka aad labisato waxaad xayaysiin u sameynasaa naftaada iyo shirkadda aad ka shaqeyso.

Maandeeq FM

Related Articles

Close