WararkaWaxbarashada

Somaliland: Xilliga Lagu Dhawaaqayo Natiijada Imtixaanka Shahaadiga oo Si Rasmi ah Loo Shaaciyay

Madaxa Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax ‘Gadhweyne’ oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ku dhawaaqay wakhtiga sida rasmiga ah loogu dhawaaqayo natiijada Imtixaanka dugisga dhexe iyo Sare ee Somaliland.

Daa’uud Axmed oo muddo dheer xafiiskiisa laga sugayay natiijadii imtixaanka ayaa sheegay iney Sabtida ku dhawaaqi doonaan natiijada si rasmi ah:

“Sabtida oo bishu 16 tahay waxaan iclaamineynaa Imtixaankii Qaranka dhexe iyo sare-ba, weliba iskuullada gaarka ah waxaan u sheegaynaa in ardaydii form one dii ay diiwaangashadeen laga bilaabo Sabtida 16 aan wax dambi ah jirin, haddii ay ardayda iskuulka kusoo xaadiriyaan oo ay u bilaabaan duruurstii natiijadiidan u yeedhiyaan.”, ayuu yiri Daa’uud Axmed.

Waxa uu sheegay iney sanadkan wixii ka dambeeyay uu noqonayo kuwo tayada waxbarashada lagu dadaalyo ardayduna ay tahay iney dadaalkooda imikaba sii bilaabaan:

“Sanadkan laga bilaabo waxaynu ku mintideydaan tayaynta waxbarashada, ardayda soo socotay waxay aad uga taxadarayaan wixii sanadkan dhacay mobillada iyagu inaaney kusoo noqon, ardaygii mobilka lagu qabto waxaa laga baabi’ineyay maadadaa uu mobilka watay.”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyn, July 1, 2017 ayaa waxaa imtixaanka shahaadiga ah u fariistay ku dhawaad 28 kun oo arday oo  iskuullada dhexe iyo sare ee Somaliland sanadkaan 2016-2017.

Maandeeq FM

Related Articles

Close