WararkaWaxbarashada

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta ‘Muqdisho Book Fair’ oo Maanta Furmaya

Waxaa maanta si rasmi ah gobolka Benaadir uga furmaya Moqdisho Book Fair oo sanadkan ay u noqoneyso kii saddexaad oo xiriir ah oo bandhigga lagu qabto gudaha magaalada.

Sanadkan ayaa waxaa bandhigga lagu casuumay aqoonayanno xirfadlayaan ah iyo qoraa caan ah oo soo bandhigi doonaa qoraalladooda iyo  dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba ka kala yimid, waxaana ka mid ah; Ahmed Faarax Cali ‘Idaajaa’, Axmed ‘Hohari’ Bilal, Dr. Abdiraxmaan M. Abdullaahi ‘Baadiyow’, Maxamed Cumar Cusmaan, Prof. Mustafa Fayrus, Dr. Maxamed Daahir Afrax, Dr. Xamdi Maxamed, iyo aqoonyahanno kale oo aan lasoo koobi karin.

Bandhigga ayaa soconaya September 13,14,15  , 2017, iyadoo la filayo in lagu soo bandhigo buugaag wax tar u leh qof kasta oo daneeya aqoonta iyo bulshadaba guud ahaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close