JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Buug La Magac Baxay ‘Xeeladaha Dagaalka’ oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay

Xaflad si heer sare ah oo loo agaasimayay ayaa loo qabtay bandhgiiga buug ka hadlaya istiraatiijiyadda xeeladaha dagaalka”The Art Of War” oo uu tarjumay danjire Aadan Xasan Aadan (Beleloo) oo ah danjiraha Jabouti u fadhiya Soomaaliya.

Xafladdan buugga lagu soo bandhigay ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirro, Saraakiil Ciidan oo ka socday qeybaha kala duwan , ilaalada xeebaha, Aqoonyahanno, dhalinyaro, iyo guddoomiyaha shirkadda daabacadda HEMO Books Cabdiraxmaan Nuux Cigaal, xarunta dhaqanka ‘Oday ka sheekee’ iyo marti sharaf kale oo xafladda lagu casuumay.

Qoraaga buugga danjire Aadan Xasan (Beleloo) oo VOA-da la hadlay ayaa sharraxay qiimaha buugga iyo waxa uu ka hadlayo:

“Boogga waxaa la yiraahdaa ‘xeeladaha dagaalka’ Af-Soomaali ahaan, asalkiisana waa buug af-shiineys lagu qoray, waxaana qoray nin taliye milati ahaa, wuxuuna ahaa talooyin iyo tababarro uu siinayay ciidamadii xilligaa dowalddii uu isgu ka midka ahaa. Buugaas waxaa ku jirta muri farabadan. In kasta oo la qoray 26 Qarni ka hor hadana illaa maanta aad mooddo mid aan laga maarmin, luqadaha dunida intooda badan wuu ku tarjuman yahay, buugaasi runtii waxaan nasiib u yeeshay, inuu tarjumaaddii ugu horreysay tarjumo nin faransiis ah, wixii intaa ka dambeeyay ayaa lagu baraarugay qiimaha buugaas oo lagu tarjumay Afaf farabadan.”

Waxa uu tilmaamay inaan buugga marnaba looga maarmin dhanka tagtikada Milatari, gorgortanka iyo nabadgalyada:

“Af-Soomaali hadda ka hor in lagu tarjumay uma maleynayo, waxaanuu aniga iga soo raacay buugaagtaydii takhasuska culmuuta istiraatiijiyadda, waxaa la yaab leh, sidaan hadda tilmaamay sida buuggu u tartiibsan yahay, qorshayaasha milatari ee maanta loo baahan yahay, haddii ay tahay dhinacyada dagaalgelinta, haddey tahay dhinacyada tagtikada, haddey tahay dhinaca sirdoonka, haddey tahay dhinaca wada hadalka iyo gorgortanka, dhan walba oo milatari iyo nabadgalyo, waa buug illaa maanta aan laga maarmin.”

Ugu dambeyn, Buuggan ayaa waxaa daabacday shirkadda daabacadda HEMO Books oo ka dhisan magaalada Hargeysa, dadkii bandhigga buuggan ee magaalada Hargeysa ka qeybgalayna aad ayay u ammaaneen.

Maandeeq FM

Related Articles

Close