CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Maamulayaasha iyo Shaqaalaha.. Iska Ilaaliya Kulamada Ay Albaabadu U Xiran Yihiin!!

Shir dadka caafimaadka ku takhasusay uga socday dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka soobaxay talooyin loosoo jeediyay dadka madaxda ah loogana digayo shirarka albaabadu u xiran yihiin iyo dhibaatadooda caafimaad ee laga dhaxlo, iyagoo lagula taliyay iney hab cusub u raacaan shirkaduhu shirarkooda, sida; in meel hawo fiican la aado amaba iyadoo la socodo si caadi ah looga doodo arrimihii muhiimka ahaa ee shirka laga maarmaanka u ahaa iyadoo marwalba la ilaalinayo waxyaabihii gaarka ah shirkadda.

Digniintan cusub ee kasoo baxay golaha caafimaadka ee shirkiisu ka dhacay dalka Ingiriiska, ayaa lagu sheegay in kulamada xafiisyada dibaddooda   lagu wadahadlo iyadoo la socdo goobaha dadweynaha ee furan ay suurtogelinayso iney meesha ka baxdo walwalka tirada badan iyo cadaadiska dhanka nafta ah iyo daalka shaqaalaha, ku darso waxay tilmaameen caafimaadka dhabarka iyo qoortana ay u fiican tahay, taas oo ugu dambeyn keenaysa in caafimaadka guud uu hagaago ee shaqaalaha.

Dr. Duncan oo ah guddoomiyaha guddiga fulita shirka guud ee caafimaadka dalka Ingiriiska ayaa ku talinaya arrimaha muhiimk ah: “Soco in badan, xilli hore soo kac, shirarkiina qabsada idinkoo soconaya, dibaddana u baxa idinkoo soconaya hawo wanaagsanna cabaya, waxaa waajib ah inaan ku dadaalno iney helno energy cusub oo hor leh”.

Dr. Duncan ayaa ka dibay ” in xafiiska maalintii oo dhan la iska fadhiyo ay tahay khatar loo bareerayo, isoo shaqaalaha ugu baaqay iney maamulkooda ka codsadaan iney dhaqaaq badan sameeyaan, waxa uuna carrabka ku adkeeyay in “Socodka iyo dhaqaaqu ay aad muhiim u tahay.”

Daraasad laga sameeyay dalka Mareyaknak oo ay fulisay jaamacadda Columbia University oo ay ka qeybgaleen 8,000 oo qof oo  mutadawiciin ah ayaa lagu ogaaday iney khatar badani ku jirto fadhiga faraha badan ee xafiisyada iyadoo khatarta geerida ay laba laabto cudurro farbadana uu qofku u nuglaado.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close