WararkaWaxbarashada

Muqdisho Book Fair oo Maalintii 1aad Siwanaagsan U Qabsoomay.. Buugaag Af Booran Ku Qoran oo Lagu Soo Bandhigay

Maanta magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah uga furmay carwada buugaagta ee Muqdisho Book Fair oo sanadkii saddexaad oo xiriir ah buugaag kala duwan lagu soo bandhigayo oo lagu dhiirigelinayo hibada hal-abuurka qalin maalka Soomaaliyeed.

Furitaanka carwadaasi ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliin  dawaldda ka tirsan,  xildhibaano, aqoonyahanno Soomaaliyeed, wakiilka xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya Michael Keating iyo qunsulka dawlada Masar ee Soomaaliya.

Maxamed Diini oo ah qabanqaabiyaha carwadan ayaa sheegay  in sanadkan buugaagta carwada lagu soo bandhigay ay ka badnaayeen  sanadii la soo dhaafay   waxa kale oo uu xusay   in dhalinyarada  isku dayday  iney wax qoraan ay ka badnaayeen  sanadadii hore,  ku waas oo gaaraya 89 qoraa, halka sanadkii hore ay  ahaayeen dhowr iyo labaatan  qoraa.

“Sanadkan waxaan marti qaadnay 31 qoraa oo 27 ka mid ah ay yihiin Soomaali 4 ka mid ah ay ajaanib yihiin, waxaan kusoo bandhignay buugaag ku qoran Af Ingiriis, Carabi, Soomaali iyo af Booran oo sanadkan ku cusbaa, dadka kasoo qeybgalayaasha ah,  waxaan iyadan fileynay 800-900 oo qof iney yimaadaan, saaka subixii halkii mar 1,300 ayaa halkii mar soo xarooday illaa hadana 1,500 ayay sii marayaan taasina waa mid labaad, qorayaasha dhalinyarada Soomaaliyeed Soomaaliya iyo muqdisho gudaheeda kasoo qeybgalay waxay gaarayaan illaa 11, halka sanadkii hore ay 6 ahaayeen, sanadkii ka horreeyayna ay saddex ahaayeen.”, ayuu yiri Maxamed Diini oo noo warramay.

Carwadan  oo lagu soo bandhigay  heeso  wadani ah iyo  nashiidooyin Carabi ah ayaa waxaa  kalmado gaaban kasoo jeediyay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo  bogaadiyay carwadan isla markaana hoosta ka xariiqay in  loo baahanyahay in  Soomaaliya  carwooyinkan oo kale laga hirgeliyo.

Buugaagtii lagu soo bandhigay carwada ayaa ahaa kuwo  kala duwan  suugaan sheekooyin, arrimah haweenka iyo buugaagta  ku qornaa luqada Engishka waana markii ugu horeysay ee carwada lagu soo bandhigo  buugaag  lugu qoray luqadda Booranta.

Dadweynihii ka soo qeybgalay carwada ayaa ahaa kuwa aad uga tiro badan intii la filay ee goobta bandhigga loo qorsheeyay oo u badnaa dhalinyaro da’yar ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho oo iibsanayay buugaagta carwada lagu soo bandhigay.

Ugu dambeyn, Carwadan oo maanta la daahfuray ayaa soconeysa saddex maalmool oo xiriir ah 13, 14, 15 September 2017, iyadoo la filayo iney dadku ka helaan buugaag nacfi badan, bandhigyo suugaaneed, madadaalo iyo khudbado ay soo jeediyaan aqooyahanno kala duwan oo lagu casuumay.

DJmICcIWsAA0R5i

DJmHxSpXoAA8-Lr

DJmH5v8XoAAX7Nc

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close