TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Robot Si Iskii ah U Beeraya Una Guraya Dallagga Beeraha oo Lasoo Saaray!!

Saynisyahanno u dhashay UK ayaa waxay sameeyeen Robot awood u leh inuu wax beero, daryeelo, ilaaliyo isla markaan ugu dambeyn uu dalagga soo gooyo iyadoo wax aadane ah aanuu howshiisa ku faragelinayn.

Tijaabooyin lagu tijaabinayo aaladaha, ayaa culumo-Sayniska ee jaamacadda Harper Adams University ay sanadkii hore fuliyeen mashruuc loogu magac daray “Hands-Free Hectare”, iyadoo ay u suurtogashay iney si dhameystiran hal-hiktar robot ugu u beero Qamadi, aaladdu waxay awood u yeelatay iney qabato dhamaan howlihii looga baahnaa beerta oo aheyd ilaalin, daryeelka iyo gurid dalagga, iyadoon wax aadane ah aanuu faragelin howsheeda.

Khubarada ayaa waxay adeegsadeen lacago deeq ah oo ay ka heleen dhanka xukuumadda Ingiriiska oo gaareysa illaa 200 kun oo gini, si ay u horumariyaan aaladaha beeraha qaarkood ugana dhigaan robot si iskii ah uga shaqeeya beeraha oo tayadiisu sarreyso. Robotka ay sameeyeen ayaa waxa uu wataa maskax smart ah kaamirooyin muuqaalka, kuwo heerkulka lagu qiyaaso iyo qalab kale oo awood u leh hubinta tayada dhulka iyo la socodka koritaanka beerta iyo dareenka halka ay dhibaatadu ka jirto. robotka beeraha

Saynisyahannadan ayaa sheegaya in qaabka cusub ee beerta uu yahay mid ka raqiisisan kana howlkarsan beeridda caadiga ah ee aadanaha, teknoolajiyadda la adeegsadayna ay tahay mid si weyn ugu habboon dhanka beeraha si fiicanna waxtar u leh dhinacyada ilaalinta iyo gurashada dalagga beeraha.

Waxaa xusud mudan in culumo ka tirsan Mareykanka ay tallaabo tan la mid ah  qaadeen, kadib markii ay u suurtogashay iney soo saaraan robot beereed yar oo lagu xiray qalabka GPS, looguna talogalay ilaaliyo iyo abuurka beerta.

Maandeeq FM

Related Articles

Close