WararkaWaxbarashada

W.Waxbarashada Oo Dib Ula Wareegtay Xaruntii Xanaanada Caruurta Xisbiya ee Degmada Xamar Jajab

Wasaaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah dib ula wareegtay xaruntii xanaanada xaruurta ee degmada Xamar Jajab.

Xaruntaan ayaa kamid aheyd xarumihii wax lagu beri jiray islamarkaana lagu xanaaneen jiray caruurta ayaa waxaana gacanta ku hayay dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Shalay ayaa waxaa gaaray halka uu dugsigaasi ku yaallo ee dagmada Xamar jajab oo hadda ah Garaash gawaadhida lagu dayactiro xildhibaanno iyo maamulka degmada Xamar Jajab iyo madax ka tirsan wasaradda waxbarashada waxaana ay halkaaasi ka shaaciyeen in dib gacanta dowladda loogu soo celiyay,  wasarada waxbarashada loo soo gacan geliyay xaruntaasi xanaanada caruurta.

Wasiir ku xigeenka wasarada waxbarashada xukumada soomaaliya Faysal Cumar oo warbaahinta kula hadlay gudaha xaruntaasi ayaa sheegay in wasaradda waxbarashada ay ka go’an tahay in gacanteeda dib loogu soo celiyo xarumihii waxbarasho ee dalka uu lahaa waxaana uu digniin u diray dadka weli sida aan sharciga aheyn ku dagan goobihii waxbarasho ee dalka ee magaalada Muqdisho ku yaalay

“Waxaan halkaan iskugu nimiday dhibaato muddo bil ah ka socotay oo la isku haystay meesha aan maanta dhex joogno ee xarunta xanaanada oo ay lahayd wasaaradda waxbarashadu, hanti kasta oo dowladdu ay leedahay diiwaan bay leedahay, diiwaankaasi waxa uu yaalla wasaaradda Maaliyadda qofkii u qaba in dhul dowladeed la dhici karo, dhulka dowladda cid dhici kartaa ma jirto. Hadda waxaan halkaa ka caddeynayaa in maanta laga bilaabo. Si degdeg ah ayaan u rabnaa in iskuulka loo furo wasaaradda waxbarashadana u hirgeliso.”

Muddooyinkii dambe ayaa muran xoogan uu ka jiray xaruntaan kadib markii ay dhismo ku bilaabeen shakhsiyaad gaar ah oo sheeganayay in lagu warejiyay xarunta, waxaana arintaas ay keentay in xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Warsame Goodax iyo Cabdi Barre Jibriil ay ka hadlaan oo ay ka biyo diidaan arrintaas.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close