WararkaWarbixinnoWaxbarashada

Warbixin: Bandhigga Buugaagta ‘Mogadishu Book Fair 2017’ Muxuu Kaga Duwan Yahay Sanadadii Hore

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmaya bandhigga buugaagta ee Mogadishu Book Fair oo sanadkii saddexaad oo xiriir ah ka qabsoomaya caasimadda Soomaaliya.

Waxaa la filayaa iney bandhigga ka qeybgalaan qoraayaal ka kala imanaya dunida daafaheeda Soomaalina u badan oo buugaagta ay qoreen lagu soo bandhigayo “Mogadishu Book Fair”, iyadoo ay jirto in buugaagta badan koodu ay yihiin kuwo ku qoran luqadda Af Soomaaliga ayaa hadana waxaa bandhigga ka qeybnoqonaya buugaag ku qoran luqadaha Af-Carabiga iyo English-ka.  

Siciid Bashiir oo ka mid ah howlwadeennada bandhigga ayaan ka wareysannay waxa uu sanadkan kaga duwan yahay sanadadii hore waxaanuu yiri:

“Sanadkan dhowr waxyaabood ayuu uga duwan yahay, marka Koowaad sanad walba sanadka ka dambeeya Casharro cusub ayaan baraneynaa, waxyaabihii caqabadaha nagu ahaa sanadkii hore oo aan wax ka bedelayno, sanad walibana waxa uu leeyahay xiisihiisa iyo cusaybkiisa, sanadkaan waxa uu kaga duwan yahay waxaa kasoo qeybgalaya qoraayaal kala duwan oo ka kala imaanaaya 5 Qaaradood ee adduunku ka kooban yahay, qaarkood waa qoraagii sanadadii hore imaanayay laakiin waxay u badan yihiin qaar cusub oo aan ugu talogalnay barnaamijka.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, “Waxa uu sanadkan dib baan u yara dhignay oo waxa uu soo gaaray September, dadkuna aad ayay u xiiseynayaan, buugaagta qaab kala duwan ayay uga soo qeybgalayaan, buugaag waxaa jiray maktabado ganacsi ay keensanayaan, buugaag waxaa jira ay qoraayaal keensanaayaan, buugaag waxaa jira shakhsiyaad ay keensanaayaan, tiradoodu aad ayay u badnaan kartaa. Sanadkii ugu horreyay 3000 oo buug in ka badan ayaa lagu soo bandhigay, sanadkii ka dambeeyay illaa 5000 buug ayaa lagu soo bandhigay.”, ayuu yiri Siciid oo aan wareysi gaar ah la yeelnnay.

Dhinaca kale Cabdiraxmaan Maxamed Cali  oo ah qoraa da’yar oo sanadkan kusoo bandhigaya buug uu qoray oo la magac baxay ‘Dal Dadkiisu Wada Dhoof yahay’ oo uu uga hadlayo xaalad uu isaga soo martay iyo xilli uu damcay inuu dalka ka huleelo:

“Buuggu waxa uu xambaarsan yahay farriin ah in dadku ay dalkooda wax ku qabsadaan, magaca waxaan u qaatay ‘Dalka Dadkiisu Wada Dhoof Yahay”, waa buug aniga iga bilowday shakhsiyan markaan soo hanaqaaday, markii aan bilaabay inaan fakaro oo naftayda iyo danteyda aan wax u qabsado, baan ku fakaray wadamo kale iyo wadamo hor-u-maray ayaan is leeyahay ayaa waxaan is leeyahay noloshaada waxaad ka heli kartaa meesha ku habboon, qaab waxbarasho, dhaqaale, fakarro iyo inuu nolosheyda wax kusoo kordhin karo, ayaan u fakaray.

Qoraagu waxa uu isweydiin jiray su’aalo muhiim ah oo ku saabsan dhanka mustaqbalkiisa cid kasta oo uu weydiiyay ay uga jawaabi weyday, ugu dambeynse uu si fudud ku helay:

“Su’aalihii aan is weydiiyay jawaabo gaagaaban ayaa helay inaan dalkeyga ku sugnaado oo noloshii aan dalalkaa shisheeye u geli lahaa aan dalkeyga ka sameysto, waalidkey haddaan ka waayay, awowyaashay iyo aabayaashay haddaan ka waayay anigu inaan nafteyda ubadkeyga ummadda Soomaaliyeed ee iga dambeysa ee ila midka ah in noloshaa dadku u kala cararayaan ee loo dhimanayo inaan anagu sameysanno dhibaataduna ay intaasi inagu filnaato.”, ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Talooyin loosoo jeedinayo dadka ka qaybgala bandhig buugeedyada.

1 – Su’aal waydii naftaada , waa maxay sababta aan u tagayo bandhigga?.

Ka digtoonow inuu kugu dhaco jacaylka buugaagta , laakiin ka fakar inaad ka faa’idaysato buugaagta aad iibsanayso, waxaa jira dad badan oo buugaagta guriga ku sharaxa , waxa laga digayaana waa inaad noqoto iyagoo kale.

2 – Ku dadaal inaad soo qaadato buug yar oo xusuus-qor ah si aad ugu qorato waxa aad doonayso ee muhiimka ah .

3 – Waxaad is xasuusisaa danta aad booqashada bandhigga ka leedahay , haddii aad doonayso inaad buug ka iibsato , haddii aad dan ka leedahay inaad ogaato wax cusub, dadka qaar ayaa u booqda inay iskaga cago baxsadaan darteed, laakiin inaad dantaada sii xadaysaa waxay kaa saacidaysaa inaad faa’idada ugu badan aad kala hoyato goobtaa.

4 – Haku sirmin midabka jildiga buugga , buuga qiimihiisu kuma taagna jaldigiisa , waxaad xooga saartaa daabacaadda lagu kalsoon yahay ee hadana la xaqiijiyay.

5 – Dadkii kaaga horeeyay waydii sida macradka looga faaidaysto, talooyinkooda wanaagsanna ku dhaqan.

6 – Kitaab kasta oo ku cajabiya lama iibsado , laakiin waxaad ku dadaashaa in qorshahaaga aad ku dhaqanto oo aanuu kaa burburin.

7 – Markasta tixraac qorshaha iyo jadwalka u degen bandhigga ee qoran ee aad meesha ka heli doontid, waxa ay taasi kaa caawineysaa in aad kala xulatid hadal-jeedinada kala duwan ee ay qorayaasha samaynayaan kana ad dhagaysanayso iyo kan kale.

8 – Waxaad tagtaa meesha maskaxdaada oo furan, hasii qaadan wax fikir ah ama aragti aad ka aaminsantahay bandhigga ama qorayaashaba, kaliya ku camal fal waxa aad meesha kala kulanto.

W/Q: Khadar Xuseen

Maandeeq FM

Related Articles

Close