WacyigelinWararkaWaxbarashada

13 Xeeladood oo Kaa Dhigaysa Qof Saameyn Badan!!

Waxaan idiin soo gudbineynaa xeelado dhanka nafta ah oo dadka qaar ay ku dhaqmaan si ogaal leh amaba aan ahayn, marka ay dadka kale la mucaamilayaan, si ay yoolkooda u gaaraan, xeeladahaasina waxay ku kala duwanaanayaan kolba shakhsiyaadka aad la kulmeyso. ula jeednaana waa inaan si wanaagsan u adeegsanno, hab dhaqankeenna dadka kalana aan wanaajinno.

Xeeladahan ayaa ah kuwo heer caalami ah ugu yaraan inaad wax ka ogaataana ay habboon tahay, waxaa ku jira kuwo dhanka waxbaashada ku habboon, dhanka u badka u wanaagsan.

1 – Bilowga hore is xakamee waa hubaal inaad guuleysaneyso

Marka uu kugu qeyliyo ama ay wax idin dhex maraan bilowga hore ee uu qalada bilaabo idigu is deji, marka hore aad ayuu u sii xanaaqi doonaa, kadibna isagaa ayaa iskii u xishoon doona, waxayna u badan tahay inuu aad u dhibaatoodo.

2 – Dadku waxay dareemaan nafis marka aad magacyadooda ugu yeerto

Isku day inaad dadka ugu yeerto magacyadadooda, Haddii aad sidaa sameyo qof ku aad la hadleysaa waxa uu dareemayaa kalsooni dhankaaga ah, maxaa yeelay dadku waxay jecelyihiin in magacyadooda loogu yeero.

3 – Wax baro adigoo dad kale u sharraxaya

Haddii barashada shey ay kucu cuslaato, qof kale isku day inaan barto oo aad fahamsiiso arrintaasi waxay kaa dhigeysaa mid aad u baraarugsan, shaygaa barashadiisuna way kuu fududaaneysaa.

4 – Codsigaaga hagaaji

Marka aad qof ka dooneyso inaad wax weyn ka hesho marka hore codsi yar ka dalbo, Soomaalidu waxay ku maahmaadaa ‘qofka qofka aad lo’ ka dooneyso geel ayaa laga codosadaa’, taa bedelkiida xeeladdani waxay noo sheegaysaa qofka aad wax weyn ka dooneyso marka hore wax yar ka codso; sida qalin oo kale muddo kadib wixii aad dooneyso ka codso, maxaa yeelay dadka waxaa la ogaaday qofka ay mar wax siiyaan iney uga dhaga fudud yihiin dadka kale isla markaana inaad wax ka heshana ay kuu fududaan karoto.

5 – Muraayaddu waa xeelad wanaagsan.

Haddii xiriirka dadweynaha aad ka shaqeyso, miraayad ay dadku isku arkaan gadaashaada dhig waxaad aad ula cajabi doontaa sida ay u saameyso mucaamiishaada caraysan, maxaa yeelay qofna ma jecla inuu arko naftiisa oo careysan.

6 – Xilliga farxadda iyo qosolka qofka kula dhacsan dhankaaga ayuu soo eegaa.

Haddii goob la fadhiyo dadkuna ay qoslaan oo arrin madadaalo leh ay socoto, waxaad indhaha la raacdaa dadka aad wada fadhidaan, inta badan qofka kula dhacsan dhankaaga ayuu soo eegayaa.

7 – Ilmaha yar ammaan, laakiin dadaalkooda ku ammaan

Caqi badnaan haku ammaanin, taa bedelkeeda ammaan dadaalka uu sameeyay, maxaa yeelay marka aad caqligiisa ammaanto waxa uu joojinaya inuu horumar sameeyo.

8 – Iska ilaali weedha ah ‘adiga’ waa eray tuhun wata

Haddii dood kulul aad ku dhex jirto, waxaad iska ilaalisaa kalimada ah ‘adiga’, maxaayeelay waa hadal tuhmo ah markaa kadibna aragtiyada kala duwan iskuma soo dhaweyn kartid.

9 – Agtiisa Fariiso qofka aad ka baqeyso inuu hadal kugu soo weeraro

Haddii aad ka cabsi qabto in uu qof weerar dhanka afka ah kugu soo qaado, shirarka tusaale ahaan agtiisa fariiso, wixii uu kula damacsanaa aad ayuu u yaren doonaa hubaal.

10 – Baro sida indhaha loo eego

Xilliga kulamada qaabilaadda ah qofka midabada indhihiisa si wanaagsan u eeg, adigoo midabada wareegga indhaha xoogga saaraya, arrintaasi awooddaada ayay bannaanka soo dhigeysaa qofka aad la kulmaysana qadarin ayaad ka helaysaa.

11 – Haddii qof uu su’aal weydiintaada ka meermeero indhihiisa si xasillooni leh u eeg

Haddii qof aad su’aal weydiisay uu ka meermeero ama uu kuugu jawaabo jawaab aan ku qancin, indhihiisa si wanaagsan u eeg adigoo aamusan, arrintaas way dhibi doontaa hadalkana ma kala jarayo iyadoo ay u badan tahay inaad ka hesho jawaabtii aad u baahneyd.

12 – Qofka ku daneynayaa dhankaaga ayuu usoo jeestaa

Haddii qof uu hadal kuu wado eeg lugihiisa halka ay u jeedaan, haddii ay dhankaaga ay u soo jeedaan ogow inuu ku daneynayo, haddii ay dhinac kale eegayaan faham inuu doonayo inuu baxo.

13 – Dadku inta badan ma xasuustaan waxaad tiri, laakiin waxay xasuustaan waxay dareemeen markii aad hadlaysay

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close