WararkaWaxbarashada

Faa’iido iyo Fursad..Carwada Buugaagta ee Muqdisho Book Fair oo Galashay Maalintii Labaad

Maalintii Labaad waxaa si habsami leh uga socda magaalada Muqdisho Book Fair-ka sanadlaha ah oo sanadkan ay u tahay kii Sadexaad oo xiriir ah.

Maalinimadii shalay ayaa waxaa ka qeybgalay bandhigga mas’uuliyiin ka tirsan dowaldda federaalka Soomaaliya, xildhiaanno, aqoonyahanno, wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mechael Keating iyo qunsulka Masar u fadhiya Soomaaliya.

Maanta ayaa mar kale la filayaa iney dadweynuhu si wanaagsan uga faa’ideystaan carwada, buugaagta lagu soo bandhigayna ay si fiican u iibsadaan, maadaam uljadeedu ay tahay iney dadku si fiican ula falgalaan aqoonta goobta lagu soo bandhigayo.

Ugu dambeyn, Carwadan oo maalintii 2aad gashay ayaa soconeysa illaa maalinimadii barri ee 15 September 2017, iyadoo la filayo iney dadku ka helaan buugaag nacfi badan, bandhigyo suugaaneed, madadaalo iyo khudbado ay soo jeediyaan aqooyahanno kala duwan oo lagu casuumay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close