WararkaWaxbarashada

Puntland: W/Waxbarashada iyo Jaamcadaha oo Ka Qeybgalaya Shirweyne Looga Hadlayo Horumarinta Waxbarashada Soomaaliya

Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo hoggaamineysa wafdi ka kooban agaasimayaal, isku duwayaal ka tirsan wasaaradda iyo jaamacadaha Puntalnd ayaa magaalada Nairobi uga qeybgalaya shir ku saabsan horumarinta tayada waxbarashada tacliinta sare ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxa isku xirka wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa u qornaa sidan:-

Agaasimaha Guud Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Maxamed C/qaadir Cismaan ayaa Garowe ka dhoofay isaga iyo wafdi ka kooban Jaamacadaha ah oo isugu jira maamulayaal iyo macalimiin ka socday jaamacadaha Puntland, kuwaas oo ka qaybgalaya shir looga hadlayo hormarinta Waxbarshada Soomaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo tacliinta sare Puntland Maxamed C/qaadir Cismaan oo hogaaminaya wafdigaan ayaa magaalada Nairobi kusoo qaadandoona shirwayn oo ku saabsan hormarimta tacliinta sare iyo taya-dhowrka jaamacaddaha. 

Prof Siciid Faahiye latalyaha dhinaca Tacliinta sare Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ayaa sheegay jaamacadaha Puntland iney tahay  markii 6aad ay u aadan aqoon korkorsi iyo Waxyaabo kalaba loogana danleeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa kor tayada waxbarashada tacliinta sare Puntland.“ Waxaa rabaa inaan idin tuso inaan tacliinta sare xiiso badan uhayno. Sanadkaan horumarina tacliinta sare qeyb ayay ku noqonaysaa qorshaheena fulinta sida aad idinkuba ku aragteen shirkii dib u eegista waxbarashada Puntand, “ waxa yiri Prof: Siciid Faahiye.

By:Deeq Hurrevov
Madaxa isku xirka Wasaaraddda waxbarashada iyo Tacliinta sare

Maandeeq FM

Related Articles

Close