WararkaWaxbarashada

Ra’yiga 50 Caalim oo Ku Guuleystay ‘Nobel Prize’ ee Waxyaabaha Keeni Kara Dhamaadka Adduunyada… Donald Trump oo Ka Mid ah!

Dagaallada, musiibooyinka dabiiciga ah, in duni kale inagu soo duusho, maskaxda Smarts-ka ee computer-ada, waxaa aad u kala duwan habka la filayo in dunidu u rogmato oo ay ku kala aragti duwan yihiin culumada-sayniska iyo falanqeeyaasha arrimahan sida gaarka ah ugu xeeldheer.

Warbixinta waxaan kusoo qaadaneynaa ra’yiga 50 caalim oo ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize oo ku takasusay physics, Chemistry, caafimaadka, iyo Dhaqaalah oo dhamaantood ka hadlaya sida ay u badan tahay adduunyo gaddoonka la filan karo inuu u dhaco.

Waxaa hadaba doodooda laga soo dhex saaray 10 hab oo ay isku raaceen in adduunyo gaddoonku u ekaan karo, waxaa lagu soo daabacay Indy100 oo raacsan jariidada caanka ah ee The Independent ee gudaha dalka Ingiriiska kasoo baxda.

1 – Kororka Aadanaha

18 caalim oo ka mid ah culumadii ra’yi uruurinta lagu sameeyay ayaa aaminsan in adduunyo gaddoonku imanayo kadib marka dadka adduunka jooga iyo ilaha waxsoosaarka nolosha uu isku dheelli tirmi waayo.

2 – Dagaal Nukliyeer ah

Dhibaatada siyaasadeed ee K/Waqooyi iyo maamulka Donald Trump oo ay yiraahdeen 12 caalim ay yiraahdeen waxa uu keeni karaa dagaal Nukliyeer ah oo lagu hoobto.

3 – Cudurrada Faafa ee aan Dawada Lahayn

4 caalim ayaa aaminsan in adduunyo gaddoonku uu ku imaan karo cudurro si degdeg ah u faafa oo dawo loo waayo, aadanuhuna uu ku dabar go’I karo.

4 – Anaaniyadda iyo daacadnimada oo Lunta

4 caalim ayaa aaminsan in anaaniyadda ay aadanaha oo dhan khatar ku tahay, waxaa lumaya ayay yiraahdeen isku gurmashadii bani’aadamnimo xilli aan sii dhex maquuraneyno casriga internet-ka.

5 – Hogaamiyeyaal Jaahiliin ah

3 caalim ayaa iyaguna qaba in hoggaamiyeyaasha jaahiliinta ah ay khatar ku yihiin dunida, sida ay sheegayso jariidada The Times, halkan waxaa lagu soo hadal qaaday magaca Donald Trump oo la sheegay inu dunida khatar ku yahay.

6 – Argagixisada

3 caalim aaminsan oo ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize  ayaa aaminsan iyo xagjir nimada iyo argagixisadu ay aduunka khatar ku yihiin adduunyo gaddoonkuna uu sababtooda ku imaan karo.

7- Maskaxda Smarts-ka ama Computer-ka

2 caalim oo kaliya ayaa aaminsan in maskaxda Smarts ka ah ee computeradu uu keeni karo adduunyo gaddoon iyo in aadanuhu uu dabar go’o.

8 –  Jaahilnimo iyo in xaqiiqda la bedelo

3 caalim ayaa qaba in dhibaada adduunyo gaddoonka keeni karta ee ugu weyn ay tahay jaahilnimo iyo in xaqiiqada la dhalan rogo.

9 – Sinnaan la’aan

2 caalim ayaa iyaguna aaminsan in dulmiga uu yahay sabab kale oo dheeraad ah oo keeni karta kala shaki iyo inuu si fudud ku qarxo dagaal nukliyeer ah oo lagu hoobto.

10 – Mukhaadaraadka

waxaa laga cabsi qabaa inuu adduunka ka soo baxo mukhaadaraad aad u awood badan oo bulshooyinka baabi’iya oo sida uu qobo caalim ka mid ah culumadii ra’yi uruurinta lagu sameeyay.

Ugu dambeyn iyadoo ay jirto iney culumadan ra’yi uruurinta lagu sameeyay mid kastaaba uu cabiray fikirkiisa iyo arrinka uu ka baqayo in uu adduunyo gaddoonka sababo, ayaa hadana dhanka kale waxay muujiyeen rajo wanaagsan oo ah inaan muddo dhaw laga cabsi qabin in dhibaato xoogle oo aadanaha khatar gelisaa ay timaaddo, waa haddii ka hortag fiican la sii sameeyo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close