WararkaWaxbarashada

Sawirro: 25 Qof oo Arday Ku Jirto oo Ku Geeriyootay Dab Ka Kacay Iskuul Qur’aanka Lagu Barto oo Ku Yaalla Malaysia

Mas’uuliyiin dalka Malaysia ah ayaa sheegay ugu yaraan in  25 qof ay dhinteen, dab ka kacay subixii hore ee saaka oo Khamiis ah  iskuul diineen oo ku yaallay caasimaadda Malaysia ee Kuala Laumpur.

Bayaan kasoo baxay maamulka dabdamiska iyo gurmad degdegga ah ayaa lagu sheegay in lasoo gaarsiiyay dab ka kacay iskuul diineed Qur’aanka lagu barto xilligii 5:45 Subaxnimo, iyagoo intaa ku daray in maydka dadkii geeriyooda la geeyay isbitaal goobta ka ag-dhawaa.

Dadka ku dhintay dabkaasi ayaa ah 23 arday iyo 2 macalin waxaana ku dhaawacantahay ialaal 7 qof oo kale,lamana oga ilaa iyo haatan sababta dhabta ah ee dhalisay dabkaasi,oo ka kacay xarun Qur’aanka Kariimka ah lagu xifdiyo oo lagu magacaabo Ittifaqiyah,waxaana uu dabkaasi kacay aroor hore xili ay jiifeen inta badan dadka.

Khirudin Drahman, oo ah agaasimaha Hay’adda deb demiska ee Dalkaasi Malesia oo goobtaasi gaaray ayaa Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP u sheegay in qasaaraha uu intaasi la egyahay,waxaana uu intaasi ku daray in la soo bad baadiyaya 11 qof oo kale.

A view shows the second floor of religious school Darul Quran Ittifaqiyah after a fire broke out in Kuala Lumpur, Malaysia September 14, 2017. REUTERS/A. Ananthalakshmi

Police chief Amar Singh speaks as bodies are recovered at religious school Darul Quran Ittifaqiyah after a fire broke out in Kuala Lumpur, Malaysia September 14, 2017. REUTERS/A. Ananthalakshmi

People gather outside the religious school Darul Quran Ittifaqiyah after a fire broke out in Kuala Lumpur, Malaysia in this handout photo September 14, 2017. Fire & Rescue Department of Malaysia /via REUTERS ATTENTION EDITORS - THIS IMAGE HAS BEEN SUPPLIED BY A THIRD PARTY. IT IS DISTRIBUTED, EXACTLY AS RECEIVED BY REUTERS, AS A SERVICE TO CLIENTS. NO RESALES. NO ARCHIVES

 

Maandeeq FM

Related Articles

Close