CaafimaadkaUncategorizedWararkaWaxbarashada

Warbixin.. Markasta oo Aqoontaadu Kororto Caafimaadkaaguna Wuu La Kordhaa

Faa’iidada cilmigu kuma koobna oo qura mustaqbalka mihnadeed ee qofka iyo kobcinta garaadkiisa, laakiin waxay saameyn togan(wanaagsan) ku yeeshaa xaaladda caafimaad ee jirkiisa iyo naftiisa.

Warbixinta sanadlaha ah ee uu soo daabacay ururka horumarinta iyo iskaashiga dhaqaalah ‘OECD’  ayaa lagu sheegay in heerka aqoonta qofka marka ay kororto ay sii yaaraaneyso khatar dhanka caafimaadka iyo inuu qofka ku dhaco Depression, iyadoo dadka aqoonta badan uu cilmigu yahay mid fursado shaqo oo badan u horseedaya mushaar ku fulanna ay ku helayaan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dadka aqoonta leh ay ku yartahay mushkiladaha dhanka caafimaadka ah, loona rajeynayo inuu dadka kale ka cimri dheeraado.

Warbixinta ayaa lagu soo qaatay hubin aad u ballaaran oo laga sameeyay wadamo farabadan oo Yurub ah laga soo bilaabo sanadkii 2014, natiijadiisana lasoo saaray sanadkan 2017.

Warbixinta ayaa lagu tilmaamay in Depression-ka iyo walwalku uu ku badan yahay dadka aqoontoodu hoosayso. Markasta oo ay aqoontu koror tana uu yaraado Depression-ka iyo cudurrada kale ee la xiriira oo ah kuwa ugu daran ee maanta adduunyadu la tacaaleyso.

Shirka ururka warbixinta soo saaray ayaa si aad ah loogu falanqeeyay in aqoontu tahay mid kaalin wanaagsan ka ciyaarta horumarinta qofka, waxaase muhiim ah ayay yiraahdeen inuu qofku xoojiyo xirfadaha xiriirka bulsho iyo tan qadarinta Naftiisana ay kaalin muhiim ah ka ciyaaraya noloshiisa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close