WararkaWaxbarashada

Madaxweyne Farmaajo oo La Filayo Inuu Soo Gabagabeeyo Carwada Muqdisho Book Fair

Waxaa si rasmi ah u soo gabagaboobaya bandhig carweedka Muqdisho Book Fair oo ay maanta u tahay maalintii 3aad oo xiriir ah.

Banadhiggan ayaa mudadii labada cisho ahayd ee lasoo dhaafay waxaa lagu soo bandhigay buugaag kala duwan oo ay qoreen aqoonyahanno Soomaaliyeed oo da’yar ubadan, halka lagu casuumey kuwo kale oo ajaanib ah oo iyaguna aqoontooda iyo waayo aragnimadoodii la wadaagay dadweyne tiro badan ee bandhigga si aan kala har lahayn uga qeybqaatay.

Maalinimadii shalay ayaa waxaa hadal jeedin ka sameeyay bandhigga aqoonyahanno Soomaaliyeed oo caan ah oo ugu horreeyaan Axmed Faarax Cali ‘Idaajaa’ iyo Cabdiramaan ‘Badiyow oo goobta ka sheegay in waxa ugu weyn oo ay dadka Soomaaliyeed ku tartami karaan ee ugu fiican uu yahay qoraalka iyo akhriska.

Sidoo kale bandhigga waxaa ka qeybgalay safiirka Turkiga ee Soomaaliya  Olgan Bekar, iyo ra’isul-wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo bandhigga buugaag ka iibsaday.

Ugu dambeyn, sida uu qorshuhu yahay bandhigga boogaagta Muqdisho Book Fair ayaa waxaa soo gabagabeeyn doona madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo inuu hadal jeedi kasameeyo hoolka weyn ee uu bandhiggu ka socdo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close