arrimaha bulshadaUncategorizedWararkaWaxbarashada

Ra’isul-wasaare Khayre: “Waxaan halkaan U Imid Inaan Buugaag Ka Iibsado”

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo galabnimadii shalay booqday carwada buugaagta ee Muqdisho Book Fair ayaa bogaadiyay carwada isla markaana sheegay inuu buugaag ka iibsanayo carwada.

Ra’isul-wasaare Khayre ayaa ugu horreeyn dul maray waxyaabo muhiim ah oo carwada kasoo jiitay, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Waxaan u imid inaan buugaag halkan ka iibsado, waxaan rabaa inaan idiin sheego waxaan meeshan ku arkay, waxaan ku arkay Labo arrimood oo ay adag tahay iney is biirsato, waa aqoon iyo dhalinyaro, waxaan arkay buugaag ay qoreen dhalinyaro badan, waxaan arkay dhalinyaro badan oo buugaagta garab taagan oo ay ka muuqato yididiilo aqooneed.”

Waxa uu la hadlay dhalinyaradii boqolaalka ahayd ee bandhigga ka qeybgashay, waxa uu tilmaamay iney yihiin kuwa kaalinta ugu weyn ku leh bulshada, isla markaana la doonayo iney wax u qabataan bulshadooda:

“Waxaa halkaan fadhiya Boqolaal dhalinyaro ah oo da’doodu aad u yartahay, kulligoodna iskugu yimid buugaag. maadama uu dalkeenu yahay dal dhalinyaro ah, sida kaliya ee dhibka looga bixi karaana ay tahay aqoon. Inaad noo qortaan buugaag badan oo is qabqabsiga inoo sheegaaya inaan dulqaad ku bedelno, inaad noo qortaan buugaag badan oo ah waxaan wada leenahay oo aan waligeen wada yeelan doonno iney tahay dalkan, inaad ogaataan dhalinyaradiinan meesha iskugu timid inaad tihiin cidda ku leh dowrka ugu weyn bulshada.”

Ra’isul-wasaaruhu waxa uu dhalinyarada kula dardaarmay iney u istaagaan dib-u-dhiska dalka oo lagama maarmaan u ah horumarka:

“U istaaga dalkiinna sidii dib loogu dhisi lahaa, in dalka la dhiso sanad iyo labo qaadan meyso, labo iyo saddex qof kuma filna, in dalkan la dhiso in dan shakhsi ah laga shaqeeyo ma aqbalaayo, mas’uuliyaddiinna waa inaad qaadatiin annagana waa inaad nagula xisaabtantiin.”

Ugu dambeyn, carwada oo ay maanta u tahay maalinteedii Saddexaad ayaa qorshuhu yahay inuu maanta soo xiro madaxweyne Farmaajo oo la filayo inuu carwada ka qeybgalo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close