WararkaWarbixinnoWaxbarashada

7 Cashar oo Laga Bartay Carwada Buugaagta ee ‘Muqdisho Book Fair 2017’

Waxaa maallinimadii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho bandhigga caalamiga ah ee Muqdisho Book Fair oo si aad ah u soo jiitay indhaha dhalinyaro badan oo waxbartay oo meel kasta oo magaalada uga yimid si ay uga faa’ideystaan waxyaabihii kala duwanaa ee lagu soo bandhigay.

Bandhiggan carweedkan oo ahaa mid sanadle ah oo sanadkii Saddexaad oo xiriir ah ka qabsoomay gudaha magaalada Muqdisho ayaa laga bartay  casharro waaweyn oo ay tahay in si wanaagsan looga miro dhaliyo.

Hadaba, casharadii laga faa’ideystay oo noqon kara kuwo aad u tiro badna ayaan idiinka soo gudbineynaa 7 kala ah:-

1 – Bandhigga waxa uu bannaanka soo dhigay baahida ballaaran ee dhanka carwooyinka buugaagta ah ee magaalada ka jirta iyo in magaalada oo dadka ku nool lagu qiyaaso 2 milyan oo qof in ka badan aad loogu baahi qabo bandhigyada noocan oo kale ah oo soo noqnoqda.

2 – Dhalinyaradii magaalada oo u jihaystay dhanka aqoonta iyo waxbarashada, halkii markii hore ay ku badnaayeen dhanka ciidanka iyo geedaha hoostooda, iyadoo hoolkii loogu talogalay 900 boqol ee qof ay dadku ku labo iyo saddex jibaarmeen oo meel la kala istaago la waayay.

3 – Dhalinyarada qalin maalka ah oo sanad walba soo kordhaya, hal-abuurka qoraaga da’dayar sanadkii 1aad ee bandhigga waxay ahaayeen Saddex qura, sanadkii labaad waxay noqday 6, halka sanadkan ay ahaayeen 11, taas oo la macno ah in ku dhawaad 50% koror sanad walba uu jiray.

4 – Bandhiggu sanadkan waxa uu soo jiitay madax farabadan oo ay ka mid ahaayeen kuwa ugu sarreeya ee dalka sida Guddoomiyaha golaha shacabka, Ra’isul wasaaraha, madaxda safaaradaha iyo qunsiyadda dalalka shisheeye iyadoo la arkayay  Masar iyo Turkiga oo kale, halka wakiilka xogahayaha guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya u fadhiya Michael Keating uu ka qeybgalay bandhigga.

5 – Bandhiggu waxa uu muujiyay In dalka guud ahaan uu si wanaagsan uga soo kabanayo dagaalladdii sokeeye oo aad dareemayso marka aad aragto dhalinyarada quruxda badan ee aqoontu ka muuqato ee soo buux dhaafiyay goobtii bandhigga.

6 – Kaalinta wanaagsan ee baraha bulashada marka si wanaagsan oo ku  habboon loo adeegsado iyadoo guushii carwada ay kaalin muuqata ku lahaayeen dhalinyaradah campaigners-ka ka ahaa dhanka Social media una qaabilsaneyd carwada Muqdisho Book Fair oo u muuqda kuwa si wanaagsan ugu guuleystay howshoodii.

7 – In loo baahan yahay buugaag badan oo ku tarjuman luqadda Af-Soomaaliga oo dhalinyaradu ay tahay iney ku baraarugaan aaney ahayn iney wax curiyaan oo qura, laakiin tarjumaaduna ay tahay arrin qoraalka ka mid ah oo aqoon iyo dhaqanka dadyowga caalamka ee mudada dheer nabadda ku noolaa in loosoo gudbiyo bulshada loogana faa’ideeyo ay habboon tahay. Sidaas oo kalen loo baahan yahay buugaag ka hadlay aqoonta, qiimaha nabadda iyo horumarka bulshada.

Ugu dambeyn, bandhiggan oo macno badan xambaarsanaa ayaa muuqaal aad u qurux badan oo nabeed ka bixiyay dalka isla markaana ay u riyeeqeen ka qeybgalayaasha iyo ajaanibtii fursadda u heshay iney booqato.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close