arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Buug La Magac baxay ‘Abyan’ oo Lagu Soo Bandhigay Hargeysa

Magaalada Hargeysa waxaa ka qabsoontay munaasabad si wanaagsan loosoo agaasimayay oo lagu soo bandhigay buug la magac baxay Abyan oo si wanaagsan loogu dhiirigelinayo dhalinyarada laguna baraarujinayo.

Munaasabada lagu soo bandhigayay buugga Abyan oo uu qoray Maxamed Faarax Cawil ayaa waxaa soo qabanqaabiyay ururuka dhalinyarada hal-abuurka iyo Qoraalka ee ‘Hal-Qor’ ee ka dhisan gudaha Hargeysa, waxaana kasoo qeybgalay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha rayidka Somaliland Sharma’arke Geelle iyo gudoomiyaha xarunta dhaqanka Hargeysa Jaamac Muuse Jaamac, dhalinyaro iyo marti sharaf lagu casuumay xafladda.

Buuggan oo ka kooban 324 beyj ayaa waxaa uu xambaarsan yahay macluumaad farabadan oo dhanka horumarinta ah oo ay ku jirto qaabka wakhtiga looga faa’ideysto.

Jaamac Muuse Jaamac guddoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa ayaa ammaan ballaaran u soo jeediyay buugga, cutub ka mid ahna tusaalo u soo qaatay:

“Nidaaminta wakhtiga waa cinwaanka aan kasoo doortay buugga, haddii aaneynu wakhtigeenna nidaamsan oo waliba da’dan marka aydun ku jirtaan aaney qofkii u caddeyn wakhtigiisa waxa uu gelinaayo, oo aanuu habeen iyo maalintoona sameysay jadwal uu noloshiisa ku wado way adkaaneysaa iney noloshiisu nidaam yeelato, markaa waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay Maxamedna uga mahadcelinayaa inuu cutub dhan kaga hadlay faa’iidada ay leedahay inuu qofka dhalinyarada ah inuu wakhtigiisa nidaamsado.”

Si kastaba, waxaa muddooyinkii dambe si aad ah u soo kordhayay buugaag ay soo bandhigayaan qalin maalka Soomaaliyeed oo u badan dhanka horumarinta iyo arrimaha bulshada.

Maandeeq FM

Related Articles

Close