WararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub: Ragga Bidaarta leh oo Kasoo Jiidasho Badan Asaagoda Timaha Dhaadheer!!

Daraasad cusub oo dhawaan gal ah oo ay soo sameysay jaamacadda Pennsylvania ayaa lagu sheegay in Ragga bidaarta leh ay kasoo jiidasho babadan yihiin asaagooda kale timaha leh.

Daraasaddan ayaa ka koobneyd saddex qeybood oo ardayda gudaha jaamacadda laga qaaday, waxaana laga codsaday wiilasha iyo gabdhahaba iney kala soocaan sawirro rag ah oo laga eegayo dhinacyada soo-jiidashada, kalsoonida iyo hogaaminta ku habboon. Waxaa kale oo loo soo bandhigay sawirada ragga mar timo leh mar kalena ay timo la’aan yihiin oo ay xiiran yihiin.

Sida ay cilmibaarayaashu sheegayaan, waxaa daraasaddii ku guuleystay ragga bidaarta ah, halka daraasadda lagu sheegay in ragga timooda iska xiira ee is dhukuraa ay ka soo-jiidasho badan yihiin asaagood, maxaa yeelay sidii caadiga ahayd ayay khilaafeen qaab ka duwan kii dadku ay u barteenna way la soo baxeen oo waata la yiraahdo “Wixii cusub caalamkaa jecel”.

Natiijada daraasaddan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ragga bidaarta leh dadku ay u eegayaan iney ka xakemyn badan yihiin asaagood kana awood sarreeyaan, dhanka gacansigana iyo dhaqaalahana ay kaga wanaagsan yihiin. Cilmibaarayaasha ayaa daraasadoodan soo bandhigaya in ragga ay timuhu qeyb ka mid ah ka biibaan ay iska daayaan iney koriyaan ama si kale u xeeladeeyaan maadama soo jiidasho badan ay ka hili doonaan xiirista tinta.

Ugu dambeyn, intii malaayiin dolar oo lagu bixin lahaa dawooyinka timaha lagu soo saaro, waxay leeyihiin ragga bidaarta leh ha wada xiiraan timahadooda sidaas ayaa kasoo jiidasho badan waxay lacagaha faraha badan ku bixinayaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close