WararkaWaxbarashada

Daraasad: Ragga Qaba Dumarka Cayilan oo Ka Farxad Badan Kana Cimri Dheer Asaagood!

Daraasad ay si wada jir ah u sameeyeen Dr. Filemon Avarado iyo D. Edgardo Morales oo ka tirsan qeybta Cilmi-Nafsiga “UNAM” ayaa lagu ogaaday in ragga qaba dumarka xoogaa cayilan ay helaan nolol ka farxad badan kana cimir dheer ragga kale.

Inta badan dumarka cayilan waxay la kulmaan eedooyin dhanka bulshada ah oo ah inaaney soo jiidasho lahayn, waxaana lagu dhaliilaa dhanka muuqaalkooda iyo jirkooda, intii la eegi lahaa caqligooda iyo firkaradahooda, waxayna bulshadu u taqaanna kuwo caajis badan oo aan waxba aan qabsan karin. Dumarkan ayaa dhibaatooyin kala kulama waxaan jira dadka qaar oo kula kaftama ‘hota yaa ku guursan doona, iyo erayo la mid ah.

Iyadoo ay jirto in raggu inta badan ay ka cararaan dumarka cayilan ayaa hadana daraasaddan cusubi tilmaamaeysaa in ragga qaba dumarka cayilan ay inta badan helaan nolol farxad badan oo wakhti dheer.

Daraasadda ayaa tiri, Ragga dumarkoodu cayilan yihiin qosolkooda iyo faraxadoodu way badan tahay mushkiladaha sida loo xalliyana ragga kale way kaga fiican yihiin, marka loo eego ragga qaba dumarka caatada ah.

Sababta ayaa lagu sheegay, dumarka cayilan waa kuwo inta badan raggooda u dhaga-nugul taas oo ka dhigeysa in raggoodu ay ka farxad badan yihiin taban laab ragga qaba dumarka kale, wayna ka cimri dheeriyihiin, ayaa lagu sheegay.

Daraasadda ayaa dhanka kale lagu sheegay dumarka caatada ah ay ka xirxiran yihiin kana kalgacayl yar yihiin dumarka cayilan.

Si kastaba, daraasaddan ayaa salka ku haysta dhaqan ay Soomaalidii hore aaminsanaayeen oo ahaa in gabadha iinta leh ay raggii hore si weyn u baadi goobi jireen, maadaama ay ka daacadnimo badan yihiin raggoodana ay ka ilaashan ogyihiin kuwa kale.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close