WararkaWaxbarashada

Guddoomiye ‘Jawaari’ oo Soo Gabagabeeyay Bandhigga Buugaagta ee Moqdisho Book Fair

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa soo xiray bandhigga buugaagta Muqdisho Book Fair oo maallinimadii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn sheegay in uu siyaasaddii dibadda kaga yimid siyaasi ahaanna aanuu bandhigga uga qeybqaadaneyn, waxa uu bogaadiyay carwada iyo dadkii soo qabanqaabiyay, waxaanuu tilmaamay in looga baahan yahay dhalinyarada iney bulshada u jiheeyaan dhanka horumarka, kaalin fiican ay ka qaataan wacyigelinta.

Sidoo kale, waxaa ka qeybgalay gabagabada bandhigga madax kale oo ka tirsan DF Soomaaliya oo iyaguna dhankooda bogaadiyay carwada iyo howlwadeennadii sida wanaagsan iskugu soo dubo riday.

Ugu dambeyn, bandhigga buugaagta Muqdisho Book Fair oo si wanaagsan uga socday magaalada Muqdisho saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa la soo afmeeray iyadoo si wanaagsan loogu guuleystay farriintii quruxda badneynd ee bandhigga xambaarsanaa oo ahayd dhiirigelinta hal-abuurka qalinta oo dal kastaaba uu ku hor maro.

Maandeeq FM

Related Articles

Close