TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Robot Wariye ah oo “Washington Post” Usoo Saaray 850 Maqaal Sanadkii Lasoo Dhaafay!!

Waxaa muddo Hal-sano laga joogaa marka ay bilowday jariidada Washington Post ee dalka Mareykanka ka soo baxdaa adeegsiga robot ku shaqeeya farsamada Smart-ka ah ee loo yaqaanno “Heliograf” oo wariye ah,  danta laga lahaa uu ahayd qorista 300 oo warbixin kooban oo wararka Olympics Rio’ ah ee laga soo gudbay, xilligaa wixii ka dambeeyay jariidada caanka ah waxay hirgelisay teknoolajiyad casri ah oo wararka congress-ka Mareykanka qorta isla markaana si gaar ah ula socota doorashooyinka iyo dhacdooyinka kale ee muhiimka ah.

Washington Post ma ahan warbaahinta kaliya ee qoraalka maqaalladeeda qaar ay qorto teknoolajiyadda casriga ah, wakaaladda Associated Press ayaa adeegsatay robot si gaar ah uga waramaywararka faa’iidooyinka iyo dhaqaalah, USA Today ayaa iyaduna sidaas oo kale adeegsatay barnaamij horumarsan oo muuqaallo gaagaaban soo saaray iyadoon wax aadane ah aanuu ku lug lahayn, sida uu sheegayo Website-ka digiday.

Jeremy Gilbert oo ah maamulaha mashruuca istiraatiijiyadda ‘wariyaha robot-ka ah’ ee Washington Post, ayaa sheegay in  sanadkiisii Koowaad jariidada ay soo saartay 850 Maqaal oo loo adeegsday barnaamijka ‘Heliograf’ oo ka koobnaa 500 oo maqaal oo dhanka doorashooyinka ah oo dadku si aad ah ay u akhristeen in ka badan 500000 oo jeer.

Washington Post ayaa isku dayaysa iney suxufiyeenteedu ka faa’ideystaan robotka wariyaha ah marka ay warbixinnada sameynayaan barnaamijka ‘Heliograf’, teknoolajiyaddan oo ay jariidadu adeegsatay xilligii doorashooyinka Mareykanka, ayaa la filayaa isagoo si aad uga casrisan in mar kale oo  loo adeegsado doorashooyinka soo aaddan ee dalkaas.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close