WararkaWaxbarashada

Xaflad Bogaadin ah oo Loo Sameeyay Arday Soomaaliyeed oo Waxbarashadoodii Ku Dhameystay Dalka Kuwait

Arday Soomaaliyeed oo deeq wabarasho ka heshay dowladda Kuwait, kuwo dhameystay jaamacadaha dalkaas, qaar sanadkaan ka qalinjabiyay dugsiga sare ayaa xafladda wada jir ah oo lagu bogaadinayo loogu qabtay magaalada Kuwait.

Xafladdan oo si heersare ah loosoo agaasimayay ayaa waxaa ka qeybgalay waalidiin, xubno matalayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kuwait, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaas iyo madaxda safaaradda Soomaalida ee Kuwait.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kuwait Amb. Cabdulqaadir Amiin Sheekh ayaa bogaadiyay dadaalka ardayda, isagoo mahadcelin gaar ah u jeediyay shacabka iyo dowaldda Kuwait oo isugu daray ardayda soo dhaweyn iyo adeeg waxbarasho oo lacag la’aan ah.

Waxa uu xusay safiirku iney ardayda marwalba garab taagnaayeen isla markaana ay ka haqabtireen dhanwalba baahiyihii ardayda ee lagama maarmaan ku ahayd sii socoshada waxbarashada.

Si kastaba, dalka Kuwait ayaa bixiya minxooyin deeqo waxbarasho ah oo la siiyo ardayda Soomaaliyeed, iyadoo aan la ogeyn qaabka loo bixiyo iyo cidda sida gaarka ah uga faa’ideysata.

kuwa3 kuwait kuwait1 kuwait2

Maandeeq FM

Related Articles

Close