WacyigelinWararkaWaxbarashada

9 Wadiiqo oo Muhiim u ah Xifdiga Wanaagsan ee Degdegga ah

Sidee si degdeg ah wax ugu xifdin kartaa? Waa su’aal ku soo dhacda in badan oo arday ka mid ah, kuwaas oo u baahan iney helaan taktikada ku habboon ee lagama maarmaanka u ah xifdinta wanaagsan.

Marka hore waxaa loo baahan yahay inaad is ogaato ma waxaad tahay qof maqalka ku wanaagsan oo inuu wax dhageysta jecel mise waxaad tahay qof daawashada iyo waxa uu indhihiisa ku arko xiiseeyaa, mise waxaad tahay qof tijaabada iyo waxa uu gacantiisa ka qabto xiiseeya, is ogow kooxda aad ka tirsan tahay.

Marka aad ogaato qeybta aad ka tirsan tahay, haddii aad tahay qof dhageysiga ku wanaagsan sida ay Soomaalidu u badan tahay, waa inaad dhageysiga badiso, haddii aad daawashada ku fiican tahay waxaad u baahan tahay inaad aragto sheyga si aad u barato, dadka tijaabooyinka xiiseeyaa waxay ugu dhow oo ay wax ku bartaanna waa waayo aragnimada iyo iney la falgalaan wixii ay baranayeen.

Inteenna badan waxaan leenahay labo ka mid ah kuwii aan kasoo sheekaynnay oo waxaad noqon kartaa qof dhageysiga jecel isla markaana tijaabooyinka xiiseeya.

Hadaba, si aad si degdeg ah wax ugu xifdiso koox kastaba ka tirsanaw waxaa lagama maarmaan ah inaad tallaabooyinkan raacdo:

1 – Diyaargarow Fiican Samee

Waxaa waajib ah inaad deegaan sax ah doorato inta aadan wax akhrin ka hor, iska eeg iftiinka aad wax ku baraneyso, jawiga aad wax ku baraneyso, iyo agabka agtaada yaalla oo aad ka fogaaneyso iney wax ku mashquuliyaa ka mid yihiin, sida telephoneka Smarts-ka, TV-ga iyo wixii la mid ka ahaa.

2 – Duub waxa aad xifdiso

Duub codkaaga adigoo cod dheer ku akhrinaya, kadibna is dhageyso.

3 – Qoraal ku samee macluumaadka aad xifdiso

Inaan qorto waxaad xifdiso hadhow waxay kaa garab siineysaa inaad si fudud usoo celiso maskaxdaada oo aad ku xasuusato, waxaana muhiim ah inaad calaamad goonni ah ku muujiso meesha aad wax ku qoreyso si xasuustiisu kuugu sawiranto qalbigaaga.

4 –  Fiirooyin Gaar ” Notes” ah Qoro

Waa waddo kale oo lagu kala saarayo duruusta aad muhiimadda gaarka ah siinayso iyo meelah aad is leedahay waa lagama maarmaan.

5 – Ku Celcelin

Ku celcel dhowr jeer sadar kasta oo aad xifdiso, waxaa habboon ugu yaraan 5 jeer inaad ku celiso, habeenka xigana 4jeer, kan ku xigana 3 jeer, kan ku xigana 2,1,0 si is xigxiga, celcelinta noocan oo kale ah ayaa kaalin wanaagsan ka qaata in sheygii aad xifdisay qalbigaaga ku qormo.

6 – Imtixaan Qiimeyn ah Sameyso

Marka aad hubiso inaad si wanaagsan u xidfiso, sameyso imtixaan kuu gaar ah oo naftaada qiimee, hadhowna meelaha goldaloolka ah ee kuu soo baxa iska awd oo gaabkaaga iyo halka aad ka jilicsan tahay iska adkee.

7 – Qof kale u sharrax

Isku day waxa aad baratay ee aad dooneyso inaad sida gaarka ah u xifdiso inaad qof kale u sharraxdo, sida ardaygii maalintaa casharka ka maqnaa inaad isku daydo fahamsiinta casharka, taasi adigana waxay kuu noqoneysaa garab, casharkaasina in muddo ah maskaxdaada kama go’ayo.

8 – Dhageyso waxyaabihii aad duubatay

Marka aad iskuulka u socoto ama aad ka timaaddo mobilkaaga smart-ka ah sameecadda iska gasho oo dhageyso, waa marka aadan daal amaba cadaadis kale aadan dareemayn, waa haddii ay kuu suurtogaleyso,  haddii kalena radio iska iibso oo waalidka la kaasho, maxaa yeelay waxay kaalin wanaagsan ka ciyaartaa xifdiga oo heer sare ku noqonaya.

9 – Naso

Inaad meel fiican oo jawi wanaagsan leh oo aad farxad ku dareemayso aaddaa waxay kaalin ka qaadataa adkeynta wixii aad xifdisay, sidaa darteeed nasashadu waxay leedahay muhiimad gaar ah.Waxaa habboon inaad caqligaaga ka fogeyso waxbarashada mararka qaar si uu u keydiyo wixii aad xifdisay.

Ugu dambeyn, waxaa hubaal ah in cilmi la bartaa inaaney wax sahlan ahayn, waxaase ka sii adag xifdintiisa, waxaase ugu daran ku dhaqanka, iyadoo intuba ay u baahan yihiin dadaal oo la’aantii aaney waxba suurtogaleyn.

  Maandeeq FM

Related Articles

Close