WararkaWaxbarashada

Qaar Ka Mid Ah Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Hargeysa oo Shahaadooyin La Gudoonsiiyay

Qaar ka mid ah maxaabiista xabsiga dhexe ee Hargeysa ayaa la guddoon siiyay shahaadooyin kadib markii ay xabsiga dhexdiisa ku dhameysteen waxbarashada aasaasiga ah oo muddo sanad ah si habsami leh ugu soconeysay.

Xafladda Lagu gudoonsiiyay Shahaadooyinka oo lagu qabtay gudaha xabsiga ayaa  waxaa ka qeyb galay wasiirka Cadaaladda , Diinta iyo Awqaafta,agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada, taliyaha Ciidanka Asluuubta iyo xubno kale.

Maamulaha qeybta waxbarashada Xabsiga Hargeysa oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in waxbarashada xabsiga ka socota ay ka faaiideystaan illaa 145 maxbuus oo isugu jira kuwa culuumta diiniga ah la baro iyo kuwa waxbarashada aasaasiga ah dhigta.

Axmed Abokor Maxamed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland ayaa dhankiisa bogaadiyay dadaalada soconaya, isaga oo u mahadceliyay shaqsiyaadka gacanta ka geystay waxbarista xaabiista ku jira Xabsiga magaalada hargeysa.

“Waxbarashadu qiimo aad u weyn ayay bani’aadamka u leedahay, qor’aanka ayaa la inoogu sheegay,  axaadiista Nabiga SCW ayaa la inoogu sheegay, waa wax qofka noloshiisa oo dhan la socda, illaa inta uu dhimanyo waxa uu nabigu ina faray inuu qofku aqoon raadiyo oo waliba meel fog u raadiyo, markaa idinku sharcigii dad khilaafay baad tihiin, khuf kastaana khaladku wuu ka dhacaa, hadana inaan heshaan fursad waxbarasho runtii waa wax Illaahay looga mahad naqo, cid kasta oo ka shaqeysanaya Illaahay miisaanka xasanaadka ha ugu daro.”

Wasiirradii xafladda ka qeybgalay ayaa dhankooda bogaadiyay maxaabiista waxbarashada ka faa’ideysatay iyagoona tilmaamay in cilmigu uu yahay nuur isla markaana mustaqbalkooda uu wax weyn ka tari doono.

Ugu dambeyn, gabagabadii madasha ayaa waxaa shahaadooyin iyo abaal-marinno lagu dhiirigelinayo oo kala duwan lagu guddoonsiiyay maxaabiista dhameystay waxbarashada.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close