TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Saynisyahan: Waxaan Xilli Dhow Gaari Doonnaa Nolol Waarta!!

Aasaasaha jaamacadda Uniqueness Valley Silicon, Jose Luis Cordeiro oo laga wareystay janalka RT ee laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ka hadlay in teknoolajiyadda xilli dhow ay gaari doonto oo ay suurtogalin doonto nolol waarta inuu aadanuhu helo iyo in ay aadanahu ku wada xiriiraan dhanka maskaxda oo qura iyagoon wax hadal ah is dhaafsaneyn.

Teknoolajiyadda ayaa horumar sameyn doonto, ayuu yiri,  20-30 sanno ee soo aaddan, taas oo keenaysa in qofka dhalinaranimadiisa loo cusbooneysiiyo uuna heli doono nolol waarta. Waxaanuu tilmaamay inaaney jirin xad gaar ah oo biologically aadanuhu aanuu dhaafi karin.

Jose Luis cordeiro  waxa uu aaminsan yahay in dadku mastaqbalka ku wada xiriiri doonaan habka maskaxda oo qof kastaa kan uu doono dhanka maskaxda kala xiriiri doono, isagoon u baahneyn taleefoon iyo hadlo toona. “Maskaxdeennu si toos ah ayay ula xiriir doontaa qofka ay doonto, qaabka hadda xiriirka loo sameeyo ma dhameystirna, maxaayeelay hadalka aadanuhu waa wax aan loo baahneyn oo laga maarmi karo, waana dib-u-dhac.”

Si kastaba, sheegashada caalimkan ayaa ah mid ku kooban ra’yigiisa oo qura, waxaana uu ka hadlayaa arrimaha ay ku fakarayaan muddo dheerna ay ka shaqeynayeen sidii ay ku gaari lahaayeen reer galbeedka oo ah qofku inuu helo ‘nolol waarta’ waana mid illaa iyo hadda suurtogeli la’.

Maandeeq FM

Related Articles

Close