WacyigelinWararkaWaxbarashada

7 Qodob oo Aaney Habbooneyn In La Maqashiiyo Dhagaha Ubadka, Soomaaliduna u Badan Tahay!

In aad aabbe noqoto ama hooyo waxay keensaneysaa mas’uuliyad aad u ballaaran oo disha kaa korta, gaar ahaan marka ay xaaladdu mareyso inaad ilmahaaga hadallada u laqinto amaba mustaqbalkooda u toosineyso.

Waxaa dhici karta hadal si iska duul ah kaaga baxay inuu bedelo aragtida ilmahaaga ee dunida, isla markaana ay ku abuuranto kalsooni darro noloshana uu ka dhaco.

Hadaba,  si aad u horumariso aragtida ilmahaaga yar, waxaan kuu soo gudbineynaa 7 kalmadood oo aan habbooneyn inaan ubadkeenna ku korinno.

1 – Dadka kaa weyn hadalkooda maqal

Marka aad sidaa ku tiraahdo waxa uu aaminayaa in qof kasta oo ka weyn uu yahay mid lagu kalsoonaan karo sidaa darteeda akhlaaq kasta oo wanaagsan ama aan wanaagsaneyn wuu ka qaadanayaa dadka kale. Hadaba erayga ku habboon waa inaad ku ababiso inuu hadalka waalidkiis uu maqlo, taasi waxay keenaysaa inaanuu dadka kale ka taxadaro isla markaana uu iska eego cidda uu ku kalsoonaanayo iyo cidda kale.

2 – Ha ooyin!

Haddii uu sidaa maqlo waxa uu u qaadanayaa in qofku dareenkiisa iyo tabashadiisa muujiyaa ay xun tahay, haddii uu ooyana uu canaan la kulmayo sidaa darteed waxaa suurtogal ah inuu u leexdo aamusnaant iyo goonni u socodnimada, waxa uuna yeelan doonaa dagaal iyo oohin sabab la’aan kasoo qubata. Erayga saxda ah waa inaad tiraahdo ii sheeg waxa kaa oohinaya ee aad dhibsaneyso, weydii ma xanuunbaa ku haya mis waxbaad ka cabaneysa mise waad baqeysaa, waxaa taa ka dhalanaysa wadahadal adiga iyo ilamaha yar oo ku garabsiinaysa inuu kaala hadlo si joogta ah dareenkiisa.

3 –  Waxwalba kaligaa ha doonin

Marka ilmaha yar lagu canaanto inuu wax is lahaysiiyo kaligii waxa uu hadhow u maleynayaa in wax kasta la isla leeyahay,  waxay hadhow ku noqoneysaa inuu dadka kale un wax u huro naftiisana aanuu daryeelin, sidaa darteed erayga saxda ah waa u ogoloow in walaalkaa uu waxyar xilli kooban kuugu ciyaaro. Ilmahaaga yar u ogolow xoogaa xoriyad ah inuu si iskii ah go’aannada qaar u gaato.

4 – Yaad waxaan ka baratay

Marka uu eraygaa kaa maqlo waxa uu is leeyahay waalidiintaydu ima oga waxaan qabto, waxuuna iskugu sheekeenayaa in uu ciqaabta kaga baxsan karo been iyo in dadka kale un la eedeeyo. Erayga saxda ah waa maxaad sidan u sameysay, su’aashaasi waxaad ku ogaaneysaa inuu cid kale ay kula talisay iyo in uu iskii wax u sameeyay kadibna wixii khaldan ayaad u sharrixi kartaa.

5 – Eeg ilmahaa yar ee kale ayaa kaa wanaagsane

Marka uu eraygaa maqlo waxa uu moodayaa inuu ilmaha kale ka hooseeyo oo ay ka fiican yihiin, waxwalba oo uu sameeyana aanuu gaari karin, sidaa darteed waxyaabihii uu sameyn jiray oo dhan wuu joojinayaa inuu waxqabtana ma doonayo, ilmahaaga yar inaad ilmo kale barbar dhigto qadarinta ay naftooda u hayaan ayay hoos u dhigeysaa. Eragaga saxda ah waa inaad ku tiraahdo abbo/hooyo waan ku jeclahay waxa inankaa/inantaa yar ay sameysay adiguna waad kartaa oo waan hubaa inaad ka wanaagsanaan karto. Waxa uu ku baraarugayaa awooddiisa waxaana uu ogaanayaa in ilma kastaa uu yahay fariid dalaalna uu laga maarmaan yahay.

6 – Guraga ayay inoo tahay!

Marka uu eraygaa kaa maqlo waxa uu moodayaa inaad guriga ku ciqaabeyso, waxa uu karaahiyaysanayaa guriga oo meel isku ciqaabo uu u arkayo. Erayga saxda ah waa inaad ku tiraahdo ‘aan kuu sheego waxaan kaaga xanaaqsanahay ee aad sameysay, ilamaha yar marka uu arko waxaad dareemayso fiiro gaar ah ayuu  uyeelanayaa waxaad ka xanaaqeyso mustaqbalka inuu iska ilaaliyo ayay u badan tahay oo uu ka digtoonaado.

7 – Wali waad yartahee sidee arrinkan ugu fakartay

Haddii ilamaha yar uu su’aalo muhiim ah ku weydiiyo oo aad uga jawaabi weydo waxaad ogaataa iney cid kale uga jawaabi doonto, sida saxda ah waa inaad runta u sheegto oo aad ku tiraahdo hadda kaagama jawaabi karo, xoogaa wakhti ah isii amaba wakhtigaa markii la gaaro ayaan kaaga jawaabi doonaa. Markaa ilmahaaga yar waligaa wuu kugu kalsoonaanayaa saaxiibna uu kaa dhiganayaan.

Si kastaba, waxaa hubaal ah in inbadan oo ka mid ah  hooyooyinka iyo aabayaasha Soomaaliyeed aaney fiiro gaar ah u yeelan erayda ay ku ababinayaan ubadka isla markaana aan tixgelin goonni loo sameyn, waxaad ogaataa haddii aad ubadkaaga daryeeli weydo oo dhanka erayda uu kaa baraneyo aad ka fiirsan weydo in mustaqbalkiisa dambe ay dhibaato weyn oo aanuu kasoo waaqsan karin ay gaareyso.

Maandeeq FM 

 

Related Articles

Close