WararkaWaxbarashada

Madaxweyne Farmaajo oo Qaabilay Farshaxamiiste Da’yar ah oo Sawir Gacmeed u Sameeyay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabiley farshaxamiiste da’yar ah oo sawir gacmeed uu madaxweynaha ugu talogalay guddoonsiiyay.

Madaxweynaha ayaa aad ugu mahadceliyay dadaalka uu sameeyay wiilkaa da’da yar isagoona ku dhiirigeliyay inuu xirfaddiisa si wanaagsan u sii wato heersarena uu ka gaaro.

Farshaxamiiste Abshir Jaamac Abshir oo ka hadlayay sawirka iyo xilliga uu sameeyay ayaa sheegay iney ahayd xilli habeen saqdii dhexe, waxa uu u sameeyayna ay ahayd jacayl uu madaxda dalka u qabo:

“Sawirkan waxaa ka sameeyay sawir uu horey u galay, sawirkaan habeen Todob-saac ayaan sameeyay, xilligii aan arkayay ayayna ahayd, markaa si aan ummadda aan ugu tusiyo si farshaxanimo ah yaan u waxeeyay sawirkaan jacaylka aan u qabo madaxdeenna”, ayuu yiri

Farshaxamiiste Abshir Jaamac ‘Taatiko’ oo 18 jir ah oo ka mid ahaa dhalinyaradii ka qeybgalashay carwadii buugaagta ee Muqdisho Book Fair 2017,  waxaana uu carwada ku soo bandhigay sawirro uu madax badan ka sameeyay sida madaxweyne Farmaajo,  guddoomiyaha baarlamaanka Jawaari, ra’isul-wasaare Khayre, madaxweynaha Somaliland Siilaanyo, madaxweynaha Turkiga Erdogan,  sawir gacmeedyo aad u tayo sarreeya oo laga dheehan karo hibadiisa heerka sare ah.

farmaajo1

farshaxamiiste abshir

Maandeeq FM

Related Articles

Close