TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

WhatsApp oo Soo Kordhiyay Adeeg Cusub oo Soo Afmeeraya Mushkilad Dadbadan Ay Xal u Weysanaayeen

Barta WhatsApp ee wada sheekaysiga qoraalka iyo codka  ayaa soo bandhigay barnaamij cusub oo qofka adeegsada u suurogelinaya inuu keydka maskaxda ka tirtiro farriimaha aan muhiimka ahayn isla markaanuu u baahneyn.

Sida ay sheegayso jariidada The Independent ee dalka Ingiriiska kasoo baxday, barnaamijkan cusub ayay hadda heli karaan dadka adeegsaday nidaamka Android ee dhanka mobilladooda.

Adeeggan cusub ayaa hadda waxaa laga heli karaa qeybta tijaabadan ee WhatsApp ee la yiraahdo ‘beta’ oo laga soo dajisan karo Google.

Dadka adeegsada Android waxay ka heli karaan adeegga cusub iyagoo galay usage data and Storage oo aad uga sii gudbeyso hababka habeynta waxa kaaga bannaan mobile-ka aad adeegtasto.

Marka aad doonto inaad qof la hadasho waxaa kuu soo baxaysa dhamaan noocyada farriimaha ee sawirka, video-ga, codka, khariidada iyo cidda kula soo hadleysaa halka ay joogto, waxaa shaashadda kaaga soo muuqaneysa masaaxadaha ay qaadaneyso fariimaha aad helaysid, si qofka adeeggan u xiran yahay farriimaha uu doonayo uu iskaga tirtiro.

Marka aad ku dhufato Mange Messages-ka ee shaashadda kaaga muuqanaya, waxaa kuu soo baxaya waxyaabo farabadan oo aad ka dooran karto inta uu rabo ee fariimo ah si uu u tirtiro.

Adeegadda ayaa markii hore waxaa si gaar ah u haystay dadka isticmaala iOS, laakiin hadda waxaa heli kara mobillada ku shaqeeya Android .

Maandeeq FM 

Related Articles

Close