arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Muuqaal: Wiil Soomaaliyeed oo Ku Guuleystay Abaalmarinta “Facing Race Award” Gudaha Dalka Mareykanka

Xamse Warfaa oo ah madaxa hay’adda cilmibaarista Geeska Afrika iyo hay’adda wadatashiga ee Tayo ayaa ku guuleystay abaalmarinta Facing Race Award oo ay bixiyaan hay’adaha samafalka gobolka Minnesota ee gudaha dalka Mareykanka.

Xamse oo la hadlay BBC-da ayaa ka sheekeeyay  waxa ay abaalmarintu tahay iyo cidda bixisa:

“Hay’adaha deeqda bixiya ee gobolka Minnesota abaalmarin ay sanadkiiba siiyaan hal-shakhsi oo gobolka oo dhan shakhsigii ugu waxtarka badnaa ay aaminsan yihiin, iyo hay’adda ay aaminsan yihiin hay’addii ugu waxtarka badneyd ayaa mid walba waxay siiyaan abaalmarin goonni ah, muddo 20 sanno ah ayay bixinayeen, farxad bay ii tahay inaan noqdo qofkii ugu horreeyay ee Soomaaliga ahaa ee qaata.”

Waxa uu Xamse sheegay in abaalmarinta uu ku helay waxqabadkiisa iyo isku soo dhaweyn uu bulshada caddaanka ah iyo Soomaalida uu kaalin wanaagsna ka ciyaaray:

“Waa abaalmarinta la yiraahdo Facing Race Award oo macneheedu yahay isku soo dhaweynta bulshada iyo la dagaallanka cunsurinimada qofkii ugu howlkarsanaa ee wax qabtay.”

Si kastaba, bulshada Soomaaliyeed ee Qurbaha ayaa u muuqday kuwo kaalmo fiican ka tiigsanaya bulshada ay la noolyihiin, noloshoodana horumar wanaagsan ka gaaraya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close