arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Xilligee Qofku Ka Baxaa Dhalinyaranimada Kuna Biiraa Dhanka Odayaasha?

Shabakadda BBC ayaa soo saartay warbixin looga hadlayo cumriga rasmiga ah ee aadanaha kaas oo qofka loo aqoonsan karo inuu yahay qof xilligii dhalinyaronimada ka baxay.

Sida lagu sheegay daraasad kasoo baxday jaamacadda Kent British, qofku marka uu gaaro da’da 35 jirk ah ma ahan oo kaliya da’da dhalinyaro nimada looga baxo waa da’da waxa xilliga ragga iyo dumarkuba ay noqdaan kuwo kalinimada jecel dumarkuna ay lumiyaan xiisaha.

Waa xilliga qofku uu karaahiyaysto shaqadiisa, waana sida lagu ogaaday ra’yi uruurin ay sameysay shirkadda “Robert Huff” oo human resources ka ka shaqeya gudaha Britain.

Daraasado kale oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in da’da dhexdhexaad ah ee Soddomeeyada xilligaa waa kordha baahiyaha dhanka qoyska iyo mas’uuliyadaha maaliyadeed oo keenaya mashaakillaad dhanka shaqada iyo gurigaba labadaba ka jira.

Si kastaba, ha cabsan maxaa yeelay dhalinyaronimada dhabta ah waa caqliga isagaana laga duqoobaa, waxaase u muhiim ah marka aad gaarto 35 jirka inaad caafimaadkaaga si goonni ah u ilaaliso noloshadaana aad si wanaagsan u xakameyso maadama dhalinyaranimadii aad si dhab ah uga baxday.

Maandeeq FM

Related Articles

Close