WararkaWaxbarashada

Dhacdo Murugo Leh oo Ka Dhacday Iskuul Ku Yaalla Dalka Mexico.. Caruur Badan oo Geeriyootay

Waxaa geeriyootay ugu yaraan 21 canug 20 kalena waa la la’yahay kadib markii uu soo dumay iskuul ay wax ku barnayay gudaha dalka Mexico.

Sababta geerida ayaa ah dhulgariir dalkaa ku dhuftay oo 7.1-magnitude qiyaasta dhulgariirada kaas oo dadka uu salfaday ay gaarayaan illaa 150 oo u geeriyootay, sida xukuumadda Mexico ay sheegtay Talaadadii shalay.

Kaaliyaha wasiirka dowlaha waxbarasahda Mexico Javier Travigno ayaa yiri “Waxaa geeritooday 25 qof oo ay ku jiraan 21 caruur ah iskuulka Enrique Repsamon Primary School

Jariidada Mirror ayaa sheegaysa in iskuulka oo ay dhiganayeen 400 oo arday ay ka maqan yihiin 100 arday oo illaa hadda aan la garaneyn iney burburka ku hoos jiraan iyo in kale.

Maandeeq FM

Related Articles

Close