WacyigelinWararkaWaxbarashada

5 Qodob oo Curyaamiya Awoodda Qofka Hor-u-Markana Ka Hor istaaga

Qof kastaa inuu horumar sameeyo waa wax isaga un ku xiran, haddii uu qofku rabo inuu galo nolo wanaagsan oo ka bedelan tan uu hadda ku jiro waxaa laga maarmaan ah inuu isbedel sameeyo oo naftiisa uu xisaabiyo.

Isbedelka wanaagsan waxa uu u baahan yahay in wax loo huro oo caadooyin hore oo ku curyaamiyay aad meesha ka saarto, si aad u gaarto natiijo ka bedelan tii aad horey u heli jiray.

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa shan caado oo dadka qaar ka hor istaaga horumarka isla markaana ay tahay inaan meesha ka saarno :

1 – Niyadaada ka saar fikirkaagii hore ee qadiimiga ahaa ee ahaa barri ayaan waxqabsan doonaa, barri ayaan waxbaran doonaa, waaad ogaataa in fikirka kaligiis ah aanad waxba ku dheefayn ee marka aad fikrad hesho isla markiiba lagaaga baahan yahay inaad  ku dhaqaaqdo fulinteeda.

2 – Ka Fogow inaad cudurdaar u raadiso dhacdooyinka, taa bedelkeeda waa inaad go’aanno qaadato.

3 – Ka fogow saaxiibtinimada hoos u dhigaysa awoodaada iyo sharaftaada, raadi saaxiibbo wanaagsan oo kugu dhiirigeliya waxqabadka wanaagsan, tamar wanaagsanna aad ka helayso, sumcadaadana kor u qaadaya.

4 – Meesha ka saar beenihii hore ee aad ku nooleyd, ogow waxa kaliya ee qofku uu ku horumaraa waa dadaal iyo inuu tamartiisa aanuu waxba aanuu qofku hagran.

5 – Meesha ka saar fikradda ah inaad tahay qof dhameystiran ogow qof kastaa inuu ceebo leeyahay, ku mashquul marwalba inaad naftaada horumariso iyo inaad ogaato in ay  wax kaa maqan yihiinna.

Maandeeq FM

Related Articles

Close