arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Bahda Waxbarashada oo Loogu Baaqay Inaaney Ku Milmin Siyaasadda

Guddoomiyaha wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland u qaabilsan G/Awdal Prof: Jeeke Cismaan Ciye ayaa bahda waxbarashada uga digay iney ku milmaan siyaasadda.

Guddoomiye Jeeke ayaa ugu horreyn ka hadlay in holwadeennada waxbarasho ay ka madax banaanaadaan siyaasadda:

“Waa iney bahda waxbarashada iyo siyaasaddu kala madax banaanaadaan, dhammaan howlwadeennada waxbarashada heer jaamacadeed, heer dugsi sare, heer wasaaradeed, heer dugsi hoose waxaa ka caagan iney ka mid noqdaan siyaasadda, marka laga reebo wasiirada iyo wasiir-ku-xigeenka, wasiiru-dowlaha. Laakiin howlwadeennada shaqada ummadda dhex bay u yihiin.”

Waxa uu ka hadlay in wasaaradda ay isla qaateen inaan bahda waxbarashadu ku milmin siyaasadda Axsaabta kala duwan ee Somaliland:

“Waxaan wasaaradda isla qaadannay, shaqaalaha xarunta, dugsiyada sare, dugsiyada hoose inaan laga mid noqon axsaabtaa maanta socota, ardaydu cid walba way leedahay inaaney saameyn ku yeelan ayaan rabnaa, haddii ay saameyntu uu yeelanayaa waxa weeyaan macallinku marka uu soo fariisto oo uu yiraahdo oo anoo reer hebel ah soo yiraahdo, waxay kaga tagi doontaa waxaan kasoo kaban weynno. Dugsiyada sare waxaa ka mamnuuca ha ahaado mid dowli ah amaba mid gaar ah waxaan kala saxiixannay in macallinka lagu arko howlahaa in laqaadayo tallaabooyin noo dagsan.”

jeeke12

Waxa uu ka hadlay in axsaabta siyaasadda Somaliland ka jirtaa aaney ka madax banaaneyn qabiil sidaa darteena ay sumcad darro u tahay macallinka siyaasiga noqda maadama ardayda uu wax u dhigayaa ay qabaa’illo kala duwan noqdaan:

“Jaamacadahana waxaan ka rajeynaynaa macallinkii xisbi ka mid ahi inaanuu ardayda wax u dhigin maah, waanad ogtihiin axsaabteennu waxay ku saleysan yihiin iyo gundhigooda, markaa si aaney inooga xumaan tayadeennii waxbarashadeennii in aaney isku dhex milmin waa ineynu kala joognaa, qofkastaa cidda uu rabo bahda waxbarashada waxaan u sheegayaa inuu laabta ku haysto oo maalinta codbixinta uu codka siiyo laakiin aanuu ka mid noqon dadka shaashadaha kasoo baxa.”

Ugu dambeyn, Somaliland ayaa waxaa ka socda ol’ole xooggan oo dhanka axsaabta ah oo loogu diyaar garoobayo doorashada 2017 oo ay ka harsan tahay wax ka yar laba bilood oo qura.

Maandeeq FM

Related Articles

Close