TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Daraasad: Qabatinka Mobillada Smartphone-ka oo Curyaamiya Wax-soo-saarka Shaqo ee Qofka

Haddii aadan awoodin inaad ka fogaato mobilkaaga Smartsphone-ka ah ogow shaqadadaada ayay ugu dambeyn saameynaysaa. waa sidaa lagu sheegay daraasad cusub oo ka hadleysa saameynta qabatinka Mobile-ka Smart-ka uu ku yeesho shaqada.

Daraasaddan cusub oo ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyeen Christian Montage  oo ah macallin cilmi-nafsiga ka dhiga jaamacadda Ulm ee dalka Jarmalka iyo Elish Duke oo ah isaguna macallin dhiga qeybta cilmi-nafsiga ee kulliyadda Goldsmith ee jaamacadda London, waxaa  ka qeybgalay 262 shaqaale oo ah dadka adeegsada mobillada Smart-ga ah, natiijada daraasaddan waxaa lagu faafiyay joornaalka “Addictive Behaviors Reports” oo xarunteedu tahay Amsterdam.

Christian Montage  ayaa yiri: “Dadka ka agdhow markasta mobilka Smart-ka ah waxaa la ogaaday inuu waxsoosaarkooda shaqo hoos u dhigo. Waxaa ii muuqata xiriir toos oo  ah oo ka dhexeeya mobilka iyo waxsoosaarka shaqo”.

Montage waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, “Hoos-u-dhac dhanka shaqada ah ayaa laga dhaxlaa maalin shaqo oo qofku ku mashquulo mobilkiisa Smarts-ka ah, waxa uu kaadhigayaa mid shaqaalaha kale aan la qabsan karin oo mashquul badan, inaad shaqada si wanaagsan u qabatana wuu kaa mashquulinayaa, iyadoo aanuu ku dareensiinayn wakhtiga oo si fudud uu kuu dhaafinayo, waxaanuu hoos u dhac ku keenayaa shaqo kasta oo aad qabato sida ay doontaba ha u fududaateen.”

Daraasadda oo warbixinteedu aad u dheerayd ayaa lagu sheegay in marka aad mobilka Smarts ka ah aad si wanaagsan oo sax ah u adeegsato uu kaa dhigayo mid waxsoosaar badan, waa marka aad shaqada u adeegsato oo baraha bulshadana aad ka fogaato intii macquul ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close