CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub: Qarinta Sirtu Waxay Waxyeello u Geysataa Caafimaadka

Hay’adda u qaabilsan Mareykanka dhanka caafimaadka Nafta ayaa waxay soo saartay warbixin ku saabsan sirta la qariyaa iney xaalad walwal ah  ku abuurto aadanah, si tabanna ay u saameyso caafimaadka maskaxda.

Koox cilmibaarayaal ah oo ka tirsan jaamacadda Columbia ee New York ayaa daraasad ku sameeyay dadka ka kooban 600 qof, 96% ka mid ah ay siro muhiim ah hayeen. Dadkaas ayaa la weydiinayay inta jeer oo ay ku fakareen sita ay hayaan muddo bil ah, jawaabtii ay bixiyeen ayaa noqotay in sirtu ay ku hayso walwal joogto ah.

Daraasadda ayaa lagu sheegay in walwalku uu ka dhasho heerka sireed ee uu qofku hayo oo ah mid ka dhalanesa xifdinta sirta iyo inaanuu qofna lala wadaagin si loo ilaaliyo illeen haddii kale sir ma noqoneysee.

Cilmibaarista ayaa lagu ogaaday in dadka sirta badan hayaa ay la kulmaan mushkilaad nafsi ah , iyadoo sababtana ay tahay xasuusaha aan wanaagsanayn ee maskaxda kusoo laalaabneysa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close