arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Golaha Wasiirrada Algeria oo Meel Mariyay Mashuuc Sharci oo Indhashareerka Looga Mamnuucayo Goobaha Waxbarashada

Golaha Wasiirada Algeria ayaa meelmariyay mashruuc sharci oo ay kasoo shaqeysay wasaaradda waxbarashada dalkaasi oo lagu mamnuucayo insha shareerka gudaha goobaha waxbarashada.

Mashruucan sharci ayaa qeexaya dharka lagu xiran karo gudaha goobaha waxbarashada, iyagoona wax ka bedel ku sameeyay go’aan hore oo tirsigiisu ahaa  45 kaas oo qeexaya “Sina looma ogolaankaro in dharka ardaydu uu noqdo kuwo aan laga garan karin cidda ay yihiin amaba u oglaankara qishka xilliyada imitxaanadka.”

Halka shaqaalaha waxbarashadana dib u eegis lagu sameeyay qodobka 71 ee dastuurka Algeria oo qeexa “waxaan la ogleyn in wajiga la qariyo iyo sidaas oo kale niqaabka, cidda xireynasyaa qofka ay doonto ha noqoto macallin ama shaqaale kale, waxa laga hadlayaa waa wax kasta oo wajiga qaraniya iyo niqaabka.

go’aankan ay golaha wasiirada gaareen oo aan weli dhaqangelin ayaa waxaa durbaba ka horyimid qaar ka mid ah xildhibaannada baarlmaanka Algeria oo ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Xildhibaan Mascuud al-Camrawi oo la hadlay janalka al-Shuruuq ee kasoo baxay gudaha Algeria ayaa yiri: “Go’aanka ma ahayn mid hadda dhashay waa mid hore oo waxaa isbedel lagu sameeyay labada qodob ee 46aad iyo 71aad. Waxaana uu carrabka ku adkeeyay in qaraarku yahay “Mid aan sinaba loo qaadan karin”.

Si kastaba, mashruucan oo qabyo ah ayaa dhaqangeli doona kadibn marka ay meel mariyaan baarlamaanka Algeria oo xildhibaannada qaarkood ay kasoo horjeedaan meelmarintiisa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close