WararkaWaxbarashada

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare “Barbaar Caafimaadeey Baaqa Nabadda Soo Raaca”

Guddoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi Xaashi  ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay iney  ka shaqeyaan nabadda haddii kalena aan waligeed qabyo laga bixi doonin.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa hadalkan  jeediyay munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Nabadda adduunka oo maalimadii shalay 21 September ku beegnayd.

“Dhallinyarooy gacmaha isqabsada oo kuligiin is wargeliya, isa soo taago, tusa awooddiina inaad Nabad u taagantihiin oo aad soo dhaweyneysaan Nabadda Adduunka, oo aad diidantihiin colaad, ismuquunin iyo dilka. Barbaareey barbaar caafimaadeey, baaqa nabadda soo raac, haddii aan bir jeex iyo geesiyaal ku soo bixin qabyo kama baxeysaan.”, ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

21 September ayaa sanad walba loo dabaaldagaa xuska maalinta caalamiga ah ee Nabadda Aduunka, iyadoo aan wada ogsoonahay in nabad la’aanteed aanuu horumar jireyn.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close