WararkaWaxbarashada

Buug Ka Mid ah Muqararka Dugsiyada Sucuudiga oo Laga Dhex Helay Sawirka Boqor Faysal Oo uu Garab Fadhiyo “Yoda”

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Sucuudiga Axmed Ciisaa ayaa ka cudur daartay in shakhsiyadda Yoda ay kasoo dhex muuqato garabka booqr kii hore ee Sucuudiga Boqor Faysal Ibnu Cabdil al- Casiis oo  sawir photographic ah oo ku dhex jira buug ka mid ah muqararka Sucuudiga lagu dhex arkay.

Sawirka ayaa waxaa kasoo muuqanaya “Yoda” shakhsiyad lagu matalay filim laga sameeyay “dagaalka xidigaha”oo garab fadhiya Boqor Faysal oo xilligaa saxiixayay heshiiska Qaramada Midoobay lagu dhisay ee 1945tii, sawirkan ayaa waxaa diyaariyay sawiraaga caanka ah ee Sucuudiga ee la yiraahdo Cabdullaahi ee caanka ku ah naaneysta “al-Showshii”.

Showshii ayaa BBC u sheegay inaanuu ogeyn sawirkani sababta uu halkaa ku gaaray, waxa uuna timaamay in sababtii uu sawirka u sameeyay markii hore ay ahayd in Yoda iyo Boqor Faysal oo xilligaa ahaa wasiirkii arrimaha dibadda Sucuudiga ay ka dhaxaysay astaamo ay ka mideysnaayeen “Labada waxaa lagu yaqaannay caqligooda iyo awoodooda, sidaas oo kale labaduba waxay ahaayeen laba qof oo dagan.”

Wasiirka ayaa tilmaamay in guddi loo saarayo khaladkaa oo u muuqda inaan si ula kac ah loo sameyn.

boqof Faysal

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close