WararkaWaxbarashada

Dabargo’ Wadareedkii Lixaad ee Dunida oo Albaabada Soo Garaacaya!

Dhulka ayaa la kulmay mudadii 540 milyan ee sanno ee lasoo dhaafay 5 musiibo oo noole badani ku baaba’ay, tii ugu khatar badneydna ay ku la’deen 9% noolihii badaha adduunka.

Daraasaddan oo uu sameeyay  Daniel Rothman oo ah cilmibaare Physics ka la yiraahdo geophysicist iyo caalim dhanka cilmiga xisaabta ah ayaa sheegaysa in muddo dhow dunida laga filan karo dhacdo cusub oo noole farabadani ku rogmadaan, iyadoo caalimkani uu muddooyinkii dambeba ku mashquulsanaa musiibooyinkii hore ee dunida ka dhcay oo sababay in noole badan ku darabg’aan, Rothman waxa uu leeyhay in dabargo’a soo aaddan uu noqon karo muddo 83 sano ah gudahood.

Caalimkani waxa uu aaminsan yahay in kororka Karboonka dioxide marka loo eego Qarniyadii hore, dabargo’a lixaad ee soo aaddan inaanuu naga fogeyn, iyadoo la ogyahay in aadanuhu ay ku biirinayaan Kaarboonka Karboon dioxide 310 Gt marka la gaaro sanadka 2100. Caalimka ayaa tilmaamaya in dhibaatooyinka dunida hore uga dhacay iyo kuwa la filayo intaba inuu sabab u yahay Karbonka dioxide-da oo dunida kusii kordhaya.

Daraasaddan ayaa la faafiyay Arbacadii 21 September 2017, waxaana soo daabacay joornaalka Science Advances.

Maandeeq FM

Related Articles

Close