WararkaWaxbarashada

Dahabka Ayaa Ku Qarsan Gudaha Jirka Aadanaha! Ogow Tiradiisu Inta ay Le’eg tahay & Sida uu Kaaga Ilaaliyo Cuduradan Khatarta ah

Dahabku waa walax ka ka mid ah walxaha boqolaalka gaaraya ee jirka aadanuhu ka kooban yahay; jirka qofka caadiga ah ee qaangaarka ah ee miisaankiisi yahay 70kg, waxaa laga helaa cufnaan wadartiisu ay gaareyso 0.2mg oo dahab ah. Haddii loo bedelo dabah adke ahna qiyaastiisu waxay noqoneysaa 0.22mm oo dahab saafi ah.

Tiradaa yare e dahabka ah ee jirka aadanaha ku jirtaa ayaa waxay kaalin weyn ku leedahay habdhiska difaaca jirka oo cudurro badan la ka hortaga lana dagaalama, cilmibaarayaasha hadda waxay gacanta ku hayaan sida uu jirku uga faa’ideysto dahabka oo la filayo in cudurro badan oo khatar ah dawo loogu helo sida Kansarka oo kale.

Culumada Sayniska oo daraasadda hordhaca ah ku sameeyay dahabka iyo howsha uu ka qabto jirka aadanaha ayaa ogaaday inuu kaalin weyn ka ciyaaro caafimaadka guud, si gaar ahaaneedna dhanka kala gowsyada jirka. iyadoo la ogyahay in dhakhaatiirtii hore ay u adeegsan jireen Dahabka daaweynta romatiisimka kala goysyada iyo Asthma. Ku darso waxaa dhawaan la filayo in lagu dawooyo noocyo ka mid ah Kansarka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close