WacyigelinWararkaWaxbarashada

Marka ay Guuldarradu Noqoto Wadada Kaliya ee Guusha Loo Maro!

Qof kastaa cidda uu doonaba ha noqdee waxaa lama huraan ah inuu fashil dhadhamiyo siduu ugu dambeyn u guuleysto, waana wado adag oo ay soo  wada mareen badanaa nolosha dadka ku guuleysta,  dadka guuleystay heerka ay gaareen kuma aaney gaarin waddo ubax ku fidsan yahay oo aan qodxo lahayn.

Hadaba, si aan waxbadan uga fahamno sida ay guuldaraddu ku noqoneysaa wadada guusha loo maro waxaan soo qaadannay hadallo dhaxalgal ah oo laga hayo qaar ka mid ah dadka nolosha ku guuleystay heerkeeda ugu sarreysana ka gaaray:

 Truman Capote

Truman Capote

Waxa uu noolaa inta u dhaxaysay 1924-1984, waxa uu ahaa qoraa Mareykanka oo dhanka ruwaayadaha wax ka qora iyo actor caan ah.

Hadallada dhaxalgalka ah ee laga hayo waxaa ka mid ah: ” haddii aanuu fashil jiri lahayn ma aanaanan ogaaneen qiimaha ay guushu leedahay, dhandhanka macaan ee guushu ay leedahay arki miyaysid illaa aad la daalaa dhacdo dhibaatada ay guuldaradu leedahay.”

Colin Powell

Wasiirkii 65aad arrimaha dibadda dalka Mareykanka 2001 – 2005 waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyay ee Mareykanka madow ah oo jagadaa qabta.

Hadalladii dhaxalgalka ahaa ee laga hayo waxaa ka mid ah : “Guushu waxay ka dhalataa xirfad sarreeysa, dadaal dheeri ah, fashilka oo wax laga barto, daacadnimo iyo quus la’aan, “Guushu waxay leedahay tilmaamo badan, waxa ku dhiirigelinayaa waa isku dayga joogtada ah iyo in khaladaadka wax laga barto.”

Donald Trump

Madaxweynaha hadda dalka Mareykanka oo ay xikmadihiisu iska kooban yihiin ayaa isagana laga hayaa inuu yiri: “Mararka qaar inaad lagaa adkaado waxay ku bartaa inaad lasoo baxdo xeelado cusub oo aad markaa ku guuleysto, jabka aan ku dilin ee kusoo gaaraa waxa ay fure u qon kartaa inaad raadiso wadeeqo cusub oo aad ku gaarto guushaada ballaaran.”

Bill Gates

“Way habboon tahay inaan guulaha aan gaarno u dabaaldagno, laakiin taa waxaa kasii muhiimad badan inaan fahamno duruusta ay ka baraneyno fashilka, ku dadaal inaan ku raaxaysato guushaada, laakiin marnaba ha illoobin duruusta muhiimka ah ee aan ka baraneyno fashilka, waa arrinta kaliya ee guushaada aad ku ilaashan karto, meesha ugu sarreysana ku gaarsiineysa ugu dambeyn.”

Thomas Edison

Thomas-Edison

“Anigu ma fashilmin waxaan helay 10000 oo wadiiqo oo ii shaqeyn waysay, noqo qof si wanaagsan u fakara, tijaabada kaa fashinta adduunyo gaddoonkii maaha, waxa meesha yaallaa waa inaad aragta waddo aan ku habbooneyn in la qaado mar kale.”

Michael Jordan

Michael-Jordan-Quote

Ciyaaryahan caan ah oo dhanka kubadda kolayga ah aad ugu caan baxay guulo aad u baaxdlehna ka gaaray: “Inta aan xirfaddeyda Sports ku jira waan khasaaray marar badan 9000 oo isku day oo dhanka shabaqa ah ayaan la fagay, 300 oo ciyaaroodna guuladarro ayaa na qabsatay, 29 jeer oo aan guusha is lahaysiiyna waa lanaga adkaaday, marar badan ayaa fashilmay, sidaa darteed ugu dambeyn waan guuleystay, ma jiro qof nolosha ku guuleystay oo aan marar badan soo fashilmin, farqiga qofka guuleystay iyo dadka kale u dhexeeyaa waa inuu isku dayga uu sii waday halka dadka kale ay doontii ka daateen.”

Edwin Land

Edwin-Land-Quotes-

Inaad fashil ka baqataa waxay hoos u dhigeysaa awoodaada, hadaba inaad guuldarada qaadato oo aad ka barataa waxaad ogaataa iney kaa dhigeyso qof hal-abuur ah oo inuu guul gaarana ay fududahay.”

Frederick Skinner

Frederick Skinner

“Fashilku markasta khalad maaha, waa waxa uu habboon ee aad sameyn karo duruuf goonni ah, fashilka dhabta ah waa inaad isku dayga ka joogsato, kuma khasbanid inaad noqoto qof dhameys tiran, waxaase muhiim ah inaad isku day la timaaddo duruuftu si kasta ha-u-xumaato marnaba isku dayga haka joogsan.”

Morihei Ueshiba

Morihi Yoshiba

“Fashilku waa furaha guusha, khald kasta waxbaan ka barenaynaa, guul lama gaari karo iyadoo aan la marin tijaabooyin fashil ah oo wax laga barto, waa mabda’ guud oo ku abuuran aadanah, laakiin waxaan ku illownaa duraafaha jira.”

Winston Churchill

Winston Churchill

“Guushu waa inaad guuldarrooyin isdaba joog ah la kulanto, adigoon dadaalkaaga marnaba ka gaabin, haddii aad la kulmeyso guuldarrooyin is daba jooga ah walina aad isku daygii waddo taas ayaaba ah guusha la sheegayo.”

 Ugu dambeyn, waxaa jira dadbadan oo aan ogeyn in guuldaradu ay tahay wadada loo maro guusha, marka aadse akhriso xikmadahaa sare  waxaa hubaal ah iney wax iska bedeli doonaan aragtidaada dhanka guuldarrada.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close