TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Putin: Goorma ayay Ina Cuni Doonaan Robots-ka Smarts-ka ahi?

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa muujiyay dareenkiisa ah sida uu uga cabsi qabo robotka Smarts ka ee horumarka ballaaran maanta dunidu ka gaareyso iyo sida laga yaabo in mustaqbalka aadanaha uu u saameyo.

Putin ayaa su’aal lama filaan ah ku tuuray mid ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadaha ugu waaweyn ee dhanka Internet-ka ah ee gudaha Moscow ka howlgala oo uu weydiiyay xilliga dhibaato ay uga imandoonto aadanaha computer-ka oo xilli kasta xilliga kasii dambeeyay horumar ballaaran laga gaarayo.

Sida ay daabacday jariiddaada Daily Mail Jimcihii shalay, Putin oo la hadlay madaxa shirkadda “Yandex” ee Internetka oo la yiraahdo Arkady Volozh xilli uu markaa booqasho ku joogay gudaha shirkadda ayuu yiri: “Imasaa ka harsan marka ay robot-ka ina cuni doonaan?”.

Volozh oo su’aashu lama filaan ku noqotay ayaa ku gaabsaday oo qura, “Waxaan rajeynayaa inaaney sidaa sameyn.”

Madaxweyanaha Ruusha Vladimir Putin ayaa bilowgii bishan hadda socota yiri mar uu ka hadlayay maskaxda Smarts ah ee computerka “Waa mustaqbalka, Ruushka oo kaliya uma aha’e dunida oo dhan ayay u tahay, aadanaha waxay siineysaa fursad aad u cajiib ah.”, laakiin waxa uu intaa raaciyay “Dhibaatooyinka ay leelan karaanna cidi kama warrami karto.”

Waxaa uu madaxweynaha Ruushku carrabka ku adkeeyay “Cidda hoggaamisa maskaxda Smarts ka ah ay dunida oo dhan maamuli doonto.”

Ugu dambeyn, waxayaabaha cabsida dhalinaya waxaa ka mid ah kadib markii culumo horumar ku sameynasay maskaxda Smarts-ka oo uu mashruucaa qeyb ka ahaa milkiilaha shirkadda Facebook, ayaa si lama filaan ah u arkay 2 robot oo luqad u goonni ah ku wada xiriiraya oo dadkii ka shaqeynayay ay fahmi waayeen.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close