WararkaWaxbarashada

Jaamacadda “ADAL” oo Ugaar ah Culuumta Caafimaadka oo Laga Hirgeliyay Magaalada Boorama

Jaamacad cusub oo lagu baranayo culuumta caafimaadka oo kaliya lana magac baxda ADAL ayaa laga daahfuray maalinimadii shalay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awday.

Jaamacaddan ayaa waxay gaar u tahay culuumta caafimaadka oo quro, waxayna wax ka dhigeysa Dhakhaatiir ku takhasustay qaybaha kala duwan ee caafimaadka (Xanuunada guud, Ilkaha, Indhaha.. IWM) lehna aqoontii iyo kartidii ay ku bulshada ugu adeegi lahaayeen.

Dr Abdirehman Jama Hadi oo ah guddoomiyaha jaamacadda oo ka hadlay jaamacadda iyo waxa ay gaarka la tahay ayaa yiri:

“Adal Medical University waa jaamacad ku gaar ah qeybaha caafimaadka oo aan ku shaqo lahayn wax ka baxsan, jaamacaddu waxay ka kooban tahay 7 qeybood oo qeybaha caafimaadka ka tirsan. Takhasusyada dalka aan laga helin dhakhaatiir waxaa ka imandoonta Masters degree ah ama P.H.D ah oo Suudaan iyo Itoobiya ah.”

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Habbane oo ayaa guddoomiyaha jaamacadda Adal ku ammaaney inuu yahay dhakhtarka kaliya ee Somaliland ku sugnaa xilliyaddii dhibaatada jirta:

“Wixii halkan ka bilowday ayaa Soomaali anfaca, jaamacaddan aad iyo aad baan usoo dhaweynnay, waxaan u soo dhaweennay waxa weeye dhakhtarkani waa ninka kaliya ee nala joogay dalka, haddii dhibaato nasoo martay haddii waxbadani nasoo mareen, dhakhtarka kaliya ee nala joogay ayuu ahaa, sidaa darteed inaan u ogaalaanno waxay inagu ahayd waajib muqadas ah, haddii aan la is tixgelin ee bani’aadamku isku tixgelin waxtarka xoolaha kama duwanaanayo. Tartan bay soo kordhineysaa, aqoonbay soo kordhineysaa, meel lagu kala nafiso weeyaan.”, ayuu yiri wasiir Habbane.

Si kastaba, jaamacaddan cusub ayaa ah mid rajo fiican gelinaysa arday badan oo dibadda u hanqal taageysa aaminsanna inaan waxbarasho tayo leh oo caafimaad gudaha dalka laga heli karin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close