arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Maxaad Ka Taqaannaa Maadada Ugu Qaalisan Adduunka?

Madaada ugu qaalisan adduunka ayaa loo aqoonsan yahay iney tahay ‘Endohedral Fullerenes‘ oo ay soo ikhtiraaceen culumo ka tirsan jaamacadda Oxford sanadkii 2015, waana maaddo ka kooban molecules Carbon oo qaab banooni(kubad)  oo kale loo sameeyay, sidaas oo kale ay ku jira atoms Nitrogen ah.

Jariidada Telegraph ayaa sheegaysa in halkii garaam oo kaliya oo maadada ka mid ah qiimihisu uu yahay $128,792,000(Boqol siddeed iyo labaatan milyan, todobo boqol iyo sagaashan iyo labo kun oo doolar).

Maadadan aadka qaaliga u ah waxaa laga sameeyay saacadda Atomic clock oo ah saacadda ugu saxsan adduunka, sidaas oo kale waxaa loo adeegsadaa qalabka lagula socdo goobaha ay ku sugan yihiin oo ay marayaan gawaarida automatic-ga ah ee iskood isku kaxeeya.

Maandeeq FM

Related Articles

Close