TiknoolojiyadaWararka

Robot Hor-u-marsan oo Qofka Ka Garabsiinaya Inuu Gaaro Go’aanno Siyaasadeed

Culumada Sayniska ayaa horumarin ku sameeyay Robot dadka ku garab siinaya iney gaaraan go’aanno siyaasadeed oo ku habboon xilliga codeyn cidda ku habboon ee codka la siin karo.

Robotkan ayaa la yiraahdaa “Nigel”, waxaana uu awood u leeyahay inuu kaala taliyo go’aannada siyaasadeed ee xasaasiga ah.

Robotkan ayaa waxaa horumarin ku sameeyay cilmibaarayaal ka tirsan shirkadda Kimera Systems oo ku tilmaamay inuu yahay “Maskaxdii Automatic-ga ahed ee dunida ugu horreysay ee aadanaha la hadleysa.

Mounir  Shita oo ah aasasaha shirkaddan robotka sameysay ayaa yiri: “Waxaan dooneynaa iney dadku ku kalsoonaadaan robot-ka Nigel, kaas oo loo sameeyay inuu nolol maalmeedkooda u adeego”.

Robot-kan ayaa weli waxaa ku socda horumarin, iyadoo cilmibaarayaashu ay sheegay in shaqada loogu talogalay inuu robotku qabto mustaqbalka ay kasii ballaran doonto.

Robotka ayaa dadka u jiidaya iney ra’yigooda bedelaan marka uu go’aanka qofku aanuu la jaanqaadeyn program-kii lagu sameeyay robotka, laakiin waxaa la baray dhinaca kale inuu la jaanqaado dadka rabitaankooda oo uu tixgeliyo.

Xigasho: Daily Mail.

Maandeeq FM

Related Articles

Close