arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Maalqabeennada Dunidu Sidee Ugu Diyaar Garoobeen Marka uu Qarxo Dagaal Nukliyeer ah?

Maalqabeennada adduunku ayaa kasii gaashaatay noloshooda halkii ay ku noolaan lahaayeen, haddii dagaal Nukliyeer ah oo lagu hoobto uu ka dhaco adduunka oo saansaantiisuba hadda ay wax ka muuqdaan marka aad eegto dagaalka dhanka afka ah ee  Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanku ay hawada isku marinayaan.

jariidada The Sun jasiirad ku talla agagaarka Kansas ayaa ah dhufayska dadka taajiriinta ah oo farbadani ay maalgashadeen, waxaa ku yaalla 12 qol oo si aad u heer sarreeysa loo diyaariyay looguna talagay in lagu qaabilo dadka dunida ugu taajirsan, sida ay sheegayso.

Billionaire-ka Larry Ellison ah milkiilaha Oracle ayaa iibsaday 98% jasiiradda Lannay si uu uga dhisto dhufays adag oo uu naftiisa uga ilaaliyo dagaal Nukliyeer ah oo ilbiriqsi kastaa nolosha dhulka soo gabagabeyn kara.

Sanadkii 2008 ayaa billionaire ka la yiraahdo Hull uu ku kharashgareeyay $300,000 si uu u hagaajiyo teendho bir ah oo uu leeyahay, halka uuu 20 milyan oo dollarna ku bixiyay inuu cusbooneysiiyo godka dhufeyska u ah oo uu ugu talogalay inuu ka galo marka dagaal Nukliyeer ah uu qarxo. Kadib markii maalqabeenno kale ay mashruuc la maalgelin lahaa ay shaki ka muujiyeen mashruuca.

Dhufayskan ayaa leh barkad lagu dabaasho waxaana loogu talogalay in lagu qaabilo 70 qof oo muddo shan sanno ah ku noolaan kara, iyagoon wax adeeg ah dibadda uga baahan.

Maalqabeennada ku nool dhufayska Larry Ellison ayaa awoodi kara iney jimicsiyo kala duwan sameeyaan sports ka qaar oo uu ku jiro tennis ka miiska ay ciyaaraan, waxaana qol goonni ah loogu sameeyay madadaalo.

Waxaa jira warar badan oo sheegaya in tiro muwaadiniinta Mareykanka ah ay iibsadeen dhulal ku yaalla jasiirado fogfog,  7-dii cisho ee ugu horreeysay ee doorashada madaxweyne Donald Trump kadib, iyagoo ka baqaya hadalladiisa aan laga fiirsan iney dhaliyaan dagaal adduun. Waxaana dadkaa ka mid ah milkiilaha jirkadda Dell ee teknoolajiyadda “Michael Dell” oo iibsaday jasiirad u dhawo Hawaii oo uu ka bixiyay 64.8 milyan oo dollar.

Shakhsiyaadka ugu caansan ee jasiiradaha iibsaday waxaa ka mid ah Mark Zuckerberg milkiilaha shirkadda Facebook oo iibsaday jasiiradda ‘North Shore of Kauai ‘ oo ku taalla meel u dhawo jasiiradaha Hawaii.

Ganasandaha  Peter Thiel  kana mid ka aasaasayaasha PayPal caanka ah, ayaa iibsaday isna guri dhufays oo kale u sameysan oo qiimihiisu yahay 27-milyan oo dollar.

1

2

nuclear1

nuclear2

nuclear4

nuclear5

nuclear7

nuclear8

nuclear9

nuclear10

Maandeeq FM

 

 

Related Articles

Close