UncategorizedWararkaWaxbarashada

W/Caafimaadka XF Soomaaliya oo Ka Hadashay Qiimeynta Tayada Waxbarasho ee Goobaha Caafimaadka Lagu Barto

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay iney shaqadooda ay ka mid tahay hubinta tayada goobaha lagu barto caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowziyo, oo baarlamaanka ka horjeedisay hindise sharciyeedka caafimaadka ayaa sheegtay in guddiga uu dhisayo sharciga uu kormeer joogta ah ku hayn doonto tayada manhajka goobaha waxbarashada caafimaadka iyo dawooyinka dalka la keeno.

“Sharciga uu golahani dhisayo waxa uu ka shaqeyndoonaa inuu hubiyo manhaj goobaha caafimaadka lagu barto iyo daawooyinka, adduunka meesha ay ka dhacdo waa Soomaaliya farmashiyo uu gadaayo ilmo 8-jir ah, 6-jirna uu daawadii ka doonanaayo, waan la soconnaa daawo badan oo dhacday in la keeno, mararka qaar qofka xabadda wata waad iska dhicin kartaa laakiin qofka sidaa sameynaya sida kaliya oo aad iskaga ilaalin kartidna waa sharciga.”

Qodobada 42aad, 43aad, 44aad ee Hindise sharciyeedka golaha mihnadlayaasha caafimaad Qaranka ayaa ka hadlay , ansiixnta barnaamijka waxbarashada caafimaad, qiimeynta barnaamijka waxbarashada caafimaad iyo dib-u-eegista barnaamijka waxbarashada ee horey loo ansixiyay.

Ugu dambeyn, dalka waxaa ka jira jaamacado lagu barto caafimaadka oo  aan arag cid la xisaabtana iyo shuruuc dalku leeyahay oo lagu ilaaliyo tayada waxbarashada ee ay ardayda Siiyaan.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close