WararkaWaxbarashada

30 Kun oo ah Minxo Waxbarsho Lacag la’aan ah oo ay Bixineyso UDACITY

Haa.. tiradu waa sax, barta waxbarashada online ka ah lagu barto ee Udacity ee takhasusaadka culuumta computer-ka ayaa ku dhawaaqday iney bixineyso 30,000(Soddon kun) oo minxo waxbarasho oo lacag la’aan ah.

Minxadan ayaa waxaa ka faa’ideysan karta oo loogu talogalay ardayda Soomaaliyeed ee joogta Yurub, Ruushka, Turkiga, Masar iyo haddii ay joogaan Falastin.

Minxadan ayaa waxay u furan tahay ardayda bilowga ah iyo kuwa kale ee xirfadlayaasha heerka sare si isku mid ah, mudadeeduna waa saddex bilood, marka ay saddexdaa bilood dhamaato waxaa ardadaa laga xulanayaa 3000(Saddex Kun) ee ugu sarreysa barnaamijyada ay bartu bixineyso.

Waxaa xusid mudan, in barta Udacity ay ku caan baxday dhanka culuumta computer-ka inta badan ardayda ka aflaxdaana waxay helaan shaqooyinka ugu fiican ee ay ku riyoonayaan.

Codsiga minxada ayaa ku eeg October 15, 2017, haddii aad ku sugan tahay wadamaa kor ku xusan halkan guji oo iska diiwangeli  udacity.com/google-scholarships  

Maandeeq FM

Related Articles

Close